Shaqaale Turki Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

0
745

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, ayaa sheegaya in shaqaale Turki ah shalay galab la dilay.

dddddd

Idaacadda dawladda Somaliya ayaa xalay fiidkii baahisay in laba qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Turkiga ee ka hawlgala Cisbitaalka Deefa ee Muqdisho la dilay, ka dib markii lagu weeraray gaadhi ay la socdeen oo marayay jidka Taleex ee xaafadda Hodan ee Muqdisho.

Idaacadu waxay sheegtay in tirada guud ee weerarkaas ku geeriyootay ahaayeen laba ruux oo Turki ah iyo saddex Soomaali la shaqaynayay ahaa. Waxaana rasaasta ku furay baabuur kale oo garab socday, iyadoo dablaydiina ay ka baxsatay goobtii.  Labada ruux ee Turkiga ah ayaa la sheegay in mid ka mid ahi ahayd haweenay.