Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (5)

0
604

Diyaargarowga Bestaniiniya

Roomaaniya waxa ay ahayd imbaraadooriyad guun ah oo aan ka mooganaan karin waxa hareeraheeda ka socda iyo cadowga ku soo maqan. Laakiin xilligan duruufo badan oo ku xeernaa iyo awoodda sii kobcaysay ee Cusmaaniyiinta ayaa qasab ka dhigayey in si fudud looga adkaado.

Go’doomintii ay dawladda Cusmaaniyiintu saartay magaaladan oo dad 50 kun lagu qiyaasaa ay ku noolaayeen ayaa iyaduna ahayd daciifisay awooddii Bistantiiniyiinta. Si kastaba ha ahaato ee, ciidamo cudud leh oo isugu jiray deegaanka iyo ciidamo kala duwan oo laga keenay dhulalkii ay Imbaraadooriyaddu ka talinaysay ayaa loo diyaariyey difaaca magaalada caasimadda u ahayd ee Qustantiin. Ciidamadan ururiska ahaa iyo dadaallo ay Bisentiiniyiintu u galeen in ay Cusmaaniyiinta ka dhex samaystaan dabadhilif ayaa u shaqayn waayey. Intii uu socday dhismaha derbiga lagu go’doominayey magaalada marar badan ayaa ay Binsantiiniyiintu isku dayeen in ay hakiyaan. Waxa ay weerarro kala duwan ku soo qaadeen shaqaalihii dhisayey oo ka mid ahaa ciidamada Cusmaaniyiinta. Arrintani waxa ay gaadhay isku dhacyo googoos ahaa oo marar kala duwan ay iskaga hor yimaaddeen labada ciidan.

Qustantiinkii 11naad ee Dragases Palaiologos oo ahaa Imbaraadoorkii markaas ka talinayey Qustantiiniya markii uu arkay in xaaladdu ay ku soo adagtahay, waxa uu bilaabay habdhaqanka lagu yaqaanno xukunnada sii dhacayo ee ay ugu horreyso gumaadka iyo cabudhinta dadka ay xilka u sidaan. Waxa uu xidhay albaabada dermbi dhufays ah oo ku xeernaa magaalada, waxa aanu xabsiga u taxaabay dhammaan dadkii muslimiinta ahaa ee magaalada gudaheeda ku jiray.

Suldaan Maxamed Al-Faatix markii uu diyaariyey ciidankii uu ugu talagalay gacan ku dhigista magaalada, go’doominteediina dhammaystiray waxa uu dhambaal u diray Qustantiinkii haystay Besantiiniyiinta, waxa aanu ka dalbaday in uu magaalada dagaal la’aan dhiibo. Isaga oo ballanqaaday in uu xurmayn doono dadka deegaanka magaalada, ilaalinta nafahoodnaa uu damaanad qaadi doono, isla markaana ku xaqdhowri doono caqiidooda, kaniisadahooda iyo hantidooda. Arrintaasi ma’ay qancin Imbaraadoorkii, oo diidmo ayaa uu kaga soo jawaabay.

Muddadii uu go’doonku socday marar kala duwan ayaa ay Bisantiiniyiintu isku dayeen in ay jebiyaan, sida oo kale gurmad dibadda ka yimi ayaa marar kala duwan isku dayey in uu magaalada Qustantiiniya ka jebiyo go’doonka. Waxaa ka mid ahaa mar hoggaamiyihii lagu magacaabi jiray Giovanni Giustiniani uu boqollaal ciidamo ah ka soo abaabulay dhinaca Giriigga, kaddibna uu ku guulaystay in uu galo magaalada Qustantiin. Markii uu magaalada galay waxa uu dib u habayn ballaadhan ku sameeyey ciidamada Bisantiiniyiinta, waxa aanu dejiyey istaraatjiyad dagaal oo fiican, taas oo u suurtagelisay in uu weerar ku qaado ciidamadii badda ee Cusmaaniyiintu ku go’doomiyeen magaalada halkaasna uu ku gubo doono aad u tiro badan oo ay wateen. Weerarkaasi waxa uu dib u dhac waxoogaa ah ku keenay horusocodkii ciidamada Muslimiinta oo dib u gurasho xeelad dagaal iyo dib u isu habayn bilaabay. Si kastaba ha ahaato ee Cusmaaniyiintu waa ay sii wadeen dagaalkoodii oo ugu dambayntii u suurtageliyey in ay dhaafaan khadkii hore ee difaaca Bisantiiniyiinta. Ugu dambayntii markii dagaalkii magaalada lagu galay bilowday waxa ay muslimiintu ku guulaysteen in ay dhaawacaan Giovanni oo lagu beegsaday madfac. Dhaawacaas sababay in Giovanni uu hoggaankii dagaalka ka baxaa waxa uu niyadjab ku keenay ciidamadii uu watay iyo kuwii hore u sii joogay, waxa aanu soo dedejiyey in ciidamada Cusmaaniyiintu ay magaalada si buuxda u qabsadaan. Waxaa jira taariikhaha qaar sheegaya in Giovanni aanu dhaawacmin balse markii uu arkay awoodda ciidamada Cusmaaniyiinta iyo iyagii oo sida hirarka isu daba socda oo hadba raac qaybo magaalada ka mid ah gudaha u soo gelayo ayaa uu iska dhigay nin dhaawac gaadhay si degdeg loogu qaado, sidaas ayaana dhaqso loogu geeyey Giriigga.

Wisiisigii Imbaraadoorka

Imbaraadoorkii Bisantiiniyiintu waxa uu markan garawsaday in taladu gacantiisa ka sii baxayso, waxaa dhan walba laga soo sheegay ciidamadii Cusmaaniyiinta oo soo jiidhay jiiddii hore ee difaaca magaaladiisa. Taas oo ku abuurtay in uu illaawo akhlaaqdii dagaalka, dabayaaqadii bishii Abriil waxa uu amar ku bixiyey in la soo ururiyo wixii maxaabiis laga hayo Muslimiinta, kaddibna inta la geeyo jiidda hore ee labada ciidan isku horfadhiyaan, kaddibna Cusmaaniyiinta indhahooda lagu hor laayo, oo maydkooda laga soo tuuro darbiga difaaca magaalada ahaaa dushiisa si uu ugu soo dhex dhaco safka muslimiinta. Sidii baa la yeelay oo maalintaas 260 maxaabiistii muslimiinta ah ayaa lagu hor dilay ciidamadii Cusmaaniyiinta.

Dhacdadani iyo dhawr dhacdo oo ay ka mid tahay weerarradii uu Giovanni ku gubay doonyaha dagaalka ee Cusmaaniyiinta ayaa bilowgii abuuray jaahwareer ku yimi Cusmaaniyiinta iyo in Maxamed Al-Faatix uu kulamo ugu yeedho la taliyeyaashii Istaraatiyadda dagaalka iyo waxgaradkii. Maxamed Al-Faatix waxa uu lahaa la taliyeyaal xeeldheeri iyo waayoaragnimo badan lagu ogaa, waxaana xiise leh in ay ku jireen culimo aanu la’aantood gaadhin go’aamada qaarkood, waxaa ka mid ahaa macallinkiisii Muxamed Shamsuddiin. Waxa uu ka mid ahaa Culimadii waxbartay soona barbaarisay Muxamed Al-Faatix, waxa aanu raad weyn ku lahaa shakhsiyadda Maxamed Alfaatix. Shamsuddiin waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ahaa ee furashadii Qustantiiniya, isla markaana ka mid ahaa Culimadii waxbarashada iyo barbaarinta Suldaanka gacanta ku haysay intii uu yaraa.

Taladii ka soo baxday kulankani waxa ay noqotay laba weji oo is burinaya, qolo waxa ay soo jeedisay in dagaalka dib looga baxo iyaga oo ku doodaya in laga cudud badanyahay. Waxa ay la ahayd haddii ay Qustantiin ay qabsadaan in ay taasi ka cadhaysiin doonto reer Yurub oo dhan, dagaalo waaweyn oo isbahaysi ahna ay ku soo qaadi doonaan dawladda Cusmaaniyiinta. Waxa ay ragga qaarkood gaadheen in dagaalka la joojiyo, Imbaraadoorka Bisantiiniyiintana lala galo heshiis ahaa in la bixiyo cashuur si uu u damaanad qaado in aan weerarro aargoosi ah lagu soo qaadin dawladda Cusmaaniyiinta. Laakiin rag uu u horreeyo macallinkii Suldaanka Sheekh Shamsuddiin ayaa arrintaas gaashaanka u daruuray. Waxa ay sheegeen in dagaalka oo waqtigan la joojiyaa ay niyadjab ku keeni doonto ciidamada muddada go’doominsta iyo dagaallada googooska ah waday, iyo guud ahaan muslimiinta. Waxa ay sheegeen in dagaalkaas oo dib looga noqdaa ay keeni doonto in dib loogu dhiirranwaayo weerarka Bisantiiniyiinta.

Go’aankii Suldaan Faatix waxa uu noqday in la qaato talada soo jeedinaysa in lagu dhiirrado dagaalka, Shantii Meey ayaa ay weerar baaxad leh bilaabeen ciidamadii madaafiicda ee Cusmaaniyiintu, inkasta oo maalmo badan oo dib u dhacdyo ahi yimaaddeen iska caabbin ka imanaysay dhinaca difaaca magaalada awgeed.

La soco…