Urur Samo-fal Oo Dayactir Ku Bilaabay Dugsiga Sh. Ibraahim Sh Yuusuf Madar (Ex.Gacan libaax)

0
955

Hargeysa (Geeska) – Ururka samo-falka ah ee Gacan libaax Education Trust oo ay ku bahoobeen ardaydii hore wax uga soo baratay dugsiga Sh. Ibraahim Sh Yuusuf Madar Ex.Gacan libaax, ayaa hawlo samo-fal ah oo ay ku dayactirayaan dugsiga ka bilaabay.

Ardaydan hore wax uga soo baratay dugsigan hore loo odhan jirey Gacan libaax Secondary School, kuwaasi oo ku kale sugan dunida daafaheeda ayaa qaar ka mid ahi waxay ku guuleysteen inay aasaasaan ururkan samo-falka ah oo ujeedadiisu tahay dayactirka iyo horumarinta dugsiga.

Waxaanay toddobaadkii tagay lagu daah-furey magaalada Hargeysa ururkan, iyadoo muddadii shanta bilood ahayd ee la waday dhismaha Gacan libaax Education Trust ay ardaydii hore u soo dhigatay dugsigu si tabaruc ah ugu deeqeen lacag dhan $20,000 kun oo Dollar, halka munaasabadaasi daah-furka lagu ballan-qaaday in xaddi lacag ah oo kale.

Waxaana isla maalintii Arbacadii ee bishu  ahayd 15-ka July,2020, durba laga bilaabay dugsiga dhexdiisa mashruucii u horeeyey ee ururku kaga qayb qaadanayey dayactirka dugsiga.

Mashruucan oo noqon doona in barxada dusgiga dhexdiisa oo dhan la simo ka dibna marmar la dhigo dhirna laga beero.

Haddaba Badhtamihii bishii labaad ee sannadkan waxa kulamo fool ka fool ah iyo kuso dhanka Internet-ka ah yeeshay ardaydii hore u soo dhigatey Dugsigii sare ee Ex. Gacan Libaax Secondary School.

Kulamadaasi ka dib waxa lagu aasaasay ururka samo-fal ah ee Gacan libaax Education Trust, kaasi oo ka shaqeyn doona sidii uu gacan uga geysan lahaa dayactirka, qalabaynta, bilicda iyo dib u dhis lagu sameeyo Dugsiga.

 Sidoo kalena waxa uu Ururku u fidin doonaa macalimiinta, shaqaalaha iyo ardayda dugsiga dhigato aqoon isweydaarsi iyo tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda.

Waxa kale oo lagu dhisey guddi uu ururku yeelan doono oo daafaha dunida kala joogta, isla-markaana waxa la sameeyey Golle kulmiya oo ay ku xidhiidhaan ardaydii hore u soo dhigatay dugsigii sare ee Ex. Gacan Libaax Secondary School.

 

Geeska.net/Hargeisa Office