Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (11)

0
656

Inta aynaan ka bixin taariikhda gaarka ah ee Hagie Sophia waxaa muhiim ila muuqday in aynu si kooban u dul marno dhismeyaal kale oo isla magacan sita balse ka yar dhismahan weyn, oo ku yaalla meelo kala duwan oo Turkiga ah. Sababta aynu u xusaynaana waa in dhismayaashani ay magaca iyo duruufo taariikheed oo kala duwan ay la wadaagaan Aaya Soofiyada weyn ee aynu ka warrannay.

Goobahan oo ah afar dhammaantood waa dhismeyaal taariikhi ah oo Cismaaniyiintu ay kala wareegeen dawladdii Bisantiiniyiinta, dhammaantood waxa ay ahaan jireen kaniisado ay lahayd mad-habta Orthodox ku, markii dambana masaajid laga dhigay, dhammaantoodna amarkii 1934 kii ayaa lagaga dhigay hoyga hiddaha iyo dhaqanka, haddana dhammaantood dib ayaa loogu celiyey masaajidnimadii, laakiin waqtiyo kala duwan.

Haddii aad is weydiinayso sababta aan kuwaas hore looga hadal ama aanay u yeelan culayska ay Aaya Soofiya lahaydna waa laba arrimood oo muhiim ah. Midda hore waa in Aaya Soofiya ay ahayd tan ugu weyn kaniisadaha magacan sita, xitaa mar adduunkaba ugu weynayd, midda labaadna waa in Aaya Soofiyada weyni aanay kaniisad keliya oo lagu cibaadaysto ahaan jirin. Balse ay ahayd xarunta iyo fadhiga baaderiga Orthodox ka bariga ugu sarreeya.

  1. Aaya Soofiyada Trabzon

Trabzon waa magaalo fac weyn oo ku taalla xeebta badda madow ee woqooyiga bari ee dalka Turkiga. Magaaladan oo xarun u ah gobal lagu magacaabo Trabzon waxa ay ahaan jirtay marin xuddun u ah ganacsiga iyo dhaqaalaha gobalka iyo adduunka oo ay isku xidhi jirtay Barigiisa iyo Galbeedkiisa. Magaaladan oo lagu tilmaamo illinka ganacsi ee dalka Iiraan oo dhinaca Koonfur-bari ah iyo dhinaca woqooyiga bari oo ay tahay kadin baayacmushtar oo u gudba gobalka Qawqaaska, waxa ay magaalo ahayd taariikhda ka hor. Waxa lahaan jiray giriigga ka hor intii aanay Roomaaniyiintu 65 sano ka hor dhalashadii Ciise (CS) ka qabsan, iyada oo aakhirkiina Cusmaaniyiintu sannadkii 1461 kii kala wareegeen Bisantiiniyiinta.

Magaaladan waxaa ku yaalla dhisme kale oo isagana lagu magacaabo Xiskmaddii xurmada lahayd ama Xikmaddii Ilaahiyada ahayd (Hagie Sophia). Kaniisaddan oo dhismaheedu ahaa qarnigii saddex iyo tobnaad markii ay magaaladani caasimadda u ahayd Imbaraadooriyaddii Trebizond, waxaana dhismaheeda lagu tilmaamaa calaamad muujinaysa heerka aad u sarreeyey ee ay Bisantiiniyiintu ka gaadheen nashqadaynta iyo farshaxanka dhismaha. Sannadkii 2013 kii ayaa kaniisaddan laga dhigay masaajid kaddib markii ay sidaas amartay maxkamad ay hay’adda arrimaha diinta ee dawladda Turkiga (Diyanet) ku xaraysay dacwad ay kaga soo horjeedo go’aankii hore loogaga dhigay matxafka.

  1. Aaya Soofiyadii yarayd

Kanna waa dhisme kale oo ku yaalla degmada Faatix ee magaalada Istanbuul. Waxa ay hore u ahaan jirtay kaniisad ay mad-habta Orthodox ku lahaan jirtay xilligii Bisantiiniyiinta. Waxaa dhisay Imbaraadoorkii Justiniyaan kii koowaad oo talada hayey dhalashadii Nebi Muxamed (SCW) gaar ahaan intii u dhexeysay 527 kii illaa 565. Waxa aanay aaminsanaayeen in laga dul dhisay maqaamkii Apollo oo ah wax ay Giriiggii hore aaminsanaayeen in uu yahay Ilaaha qorraxda. Markii ay dawladda Cusmaaniyiintu la wareegtay Istanbuul ayaa la go’aamiyey in Kaniisaddan masaajid laga dhigo, waxaana lagu daray qaybo lagu barto diinta Islaamka.

  1. Aaya Soofiya Iznik

Iznik waa magaalo Giriiggii hore lahaan jiray oo la odhan jiray Niiqiya (Nicaea). Waxa ay ku taalla galbeedka xeebta Anadool, meel aan ka fogeyn badda Marmara.  Waa magaalo muhiimad diineed oo aad u weyn u leh Kiristaanka, waxaana ku abtirsada inta badan ee caqiidooyinka kala duwan ee Kiristaanka. Waxaa muhiimaddeeda kor u sii qaaday in ay ahady magaalada ‘Golihii koowaad ee Niiqiya oo ahaa kulan ay isugu yimaaddeen wadaadadii Kiristaanka 325 kii dhimashadii Ciise (CS) kaddib.

Magaaladan waxaa ku yaalla dhisme kale oo ah Aaya Soofiya, waxa uu ahaa kaniisad uu dhisay Justiniyaan kii koowaad badhtamihii qarnigii lixaad ee miilaadiga, waxa aanay ahayd dhismaha uu ka dhacay kulankaas koowaad ee baaderiyadu.

Kaniisaddan waxaa Masaajid laga dhigay magaaladan ay Cusmaaniyiintu la wareegeen sannadkii 1337 kii, laakiin mar dambe oo ahayd sannadkii 1935 kii ayaa ay xukuumaddii jamhuuriyadda cusub ee Turkigu u beddeshay Matxaf. Bishii Noofambar ee 2011 kii ayaa mar kale dhismahan lagu celiyey masaajidnimadii.

  1. Aaya Soofiya Edirne

Edirne waa magaalo ku taalla woqooyiga galbeed ee dalka Turkiga, gaar ahaan dhulka gashan xuduudka Yurub oo ku dhow xuduudka uu dalku la leeyahay dalalka Giriigga iyo Bulgaariya.

Magaaladan waxaa la aasaasay qarnigii labaad ee Miilaadiga waxaana isu beddelay diimo iyo dadyow kala duwan oo marar kala duwan qoloba qolo ka qabsatay. Gaar ahaan Roomaaniyiinta, Giriigga iyo Ruushka iyo Bulgaariya oo mar dambe ahaa, iyo muslimiinta oo ugu dambayntii ay Cusmaaniyiintu qabsatay sannadkii 1362 kii, saddex sano kaddibna ay ka dhigeen caasimadda Cusmaaniyiinta ilaa laga soo gaadhay markii ay Cusmaaniyiintu la wareegtay Istanbuul ee ay caasimadda ka dhigteen.

Marka muslimiinta laga tago magaaladani waxay caan ku tahay isirro kala iyo diimo kala duwan oo dhammaantood ku leh goobo cibaado; waxaa ka mid ah Yuhuudda jaaliyadi ka deggen tahay.

Dawladdii Cusmaaniyiinta ayaa markii ay qabsatay magaalada Edirne oo ay horaantii caasimadda dawladda ka dhigatay waxa ay kaniisaddan u rogtay masaajid. Waxa aanay midab kale oo dusha laga mariyey ku tirtireen calaamadihii muujinayey kaniisadnimada dhismahan. Dadkii Kiristaanka ahaa ee ku noolaa Endirne ayaa iyaguna badankoodu ay qaateen diinta Islaamka, marka laga reebo tiro aad u yar oo ka mid ahayd.

Muddo dheer kaddib oo ahady sannadkii 1965 kii ayaa dhul gariir ba’an oo deegaanka ka dhacay waxa uu dhaawacyo waaweyn gaadhsiiyey dhismaha Aaya Soofiyada Endirne, sidaas ayaana lagu xidhay. Laakiin mar kale ayaa sannadii 2019 ka laga bilaabay hawlo dib u dhis iyo dayactir ah, markii la dhammaystiray horraantii sannadka 2020 ka, waxaa dib loogu celiyey masaajidnimadii.