Xildhibaan Ka Tirsan Wakiillada Oo Ku Baaqay In La Ilaaliyo Cadaaladda, Xaqsoorka Iyo Sinaanta Umadda

0
578

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada, ayaa ku taliyey in la ilaaliyo Cadaaladda, sinaanta iyo xaqsoorka umadda reer Somaliland isla-markaana laga dheeraado wax kasta oo kala fogeynaya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Danta Qaranku waxay ku jirtaa in ilaaliyo sinaanta iyo cadaaladda umadda, wada- jirkeenuna wuxuu ku jiraa in si siman oo caddaaladi ku dheehan tahay loogu xaqsooro umadda, oo aan loo kala hiilin, Dawlad iyo Shacabana waxaan ugu baaqayaa in mar kasta danta Qaranka wax walba laga horeeysiiyo, lagana dheeraado wax kasta oo umadda kala fogeynaya”.

Mar uu baaq u dirayey laba beelood oo dagaal dhexmaray ayaa yidhi “In wakhtigan colaad iyo dhibaato iyo dagaalo dad inagaga dhintaan la abaabulo maaha, dagaal iyo colaadda ha laga dheeraado, wax kasta oo colaad keenayana ha laga fogaado, mar walba nabadgalyada ha la ogaado, maalmihii khayrka badnaa ayaynu ku jirnaa ee ALLE sannadkan sannadkiisa ha inagu gaadhsiiyo wanaag iyo khayr”.