Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Xisbiyada Ugu Baaqay Inay La Yimaadaan Siyaasad Qaangaadh Ah

0
495

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa talo u soo jeediyey Axsaabta Qaranka, waxaanu kula taliyey, oo ugu baaqay inay la yimaadan Siyaasad iyo loolan bilaa turxaan ah, kana feejignadaan hadalada iyo wax walba oo hagar daamo ku ah Shacabka reer Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xuska 18-may, waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay u dhabar adaygaan Dawladnimadooda, waxaanu ku taliyey in laga midho dhaliyo qadiyada umadda, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Xuska 18-may “Guud ahaan Umadda reer Somaliland, waxaan leeyahay hambalyo,waxaana ugu hambalyeynayaa oo aan ku bogaadinayaa sannad guurada 26-aad ee xuska 18-may, waxaana u rajaynayaa guul iyo gobonimo, waxaana ku dhiirigelinayaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay u dhabar adaygaan  oo u sabraan jiritaankooda, iyo madax-banaanidooda, insha allaah hadafkeena iyo himiladeena weynu gaadhi doonaye, waxaana leeyahay qadiyada umadda Somaliland ha laga midho dhaliyo, oo aqoonsiga waddo kasta oo lagu raadin karo ha lagu raadiyo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxa looga baahan yahay tartan hufan, loolan bilaa turxaan ah iyo siyaasad nadiif ah inay umadda ku kasbadaan, waxaana Xisbiyada kula talinayaa inay aad uga feejignadaan inay warbaahinta isku mariyaan erayo iyo hadalo caadifad iyo xumaani ku jirto, oo Umaddu ka naxayso, bishii Ramadaana madaama ay soo galayso, waa bil cibaado ee Xisbiyadu afka ha xidhaan, oo khayrka iyo wanaaga ha ku dadaalan”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Mar haddii labadii Gobol ee hore ee Awdal iyo Saaxil Kaadhadhkii loo qaybiyey, haddii Rabi idmana Gobolada kale ee hadhayna waa loo qaybin doonaa, waxaana ku rajo weynahay inay Doorashadu wakhtigii loo cayimay ay ku dhici doonto, intaas hadhayna wixii Doorashada ka dhiman in la sii dhamaystiro ayaan Komishanka ku boorinayaa, si aanay Doorashadu dib u dhac kale aanu uga iman”.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa ka hadlay Sicir bararka, waxaanu ku taliyey madaama ay bishii ramadaan ay soo galayso in maceeshada la jabiyo, waxaana ALLE uga mahadnaqay abaarta uu inaga soo jabiyey iyo raxmaadkiisa uu inoo shubayo.