Maxbuus Ku Xidhnaa Jeelka Hargeysa Oo Xabsiga Ku Dhex Geeriyooday

0
602

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay jeelka weyn ee Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi oo ahaa maxbuus muddo ku xidhnaa xabsigaas.

 

Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay agaasimaha waaxda xabsiyada iyo xuquuqal inaanka ee wasaaradda cadaaladda Ibraahim Khadar Siciid, waxaanu Ibraahim sheegay in marxuumku u geeriyooday xanuun muddo hayay oo laga war hayay.

Ehelada marxuumka ayaa shalay loo ogolaaday inay qaataan oo aastaan maydka, waxaana la sheegay inay geeyeen magaalada Borama oo uu marxuumku dhalasho ahaan ka soo jeeday.

Marxuumkan ayaa waxay dacwadiisu ka socotay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex, waxaanu ahaa 64 jir.