Wasiirka Kalluumaysiga Oo Sheegay In Raysalwasaaraha Djibouti Hargeysa Imanayo

0
571

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax, ayaa sheegay in raysalwasaaraha dalka Djibouti Cabdilqaadir Kaamil uu dhawaan iman doono Hargeysa, caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Buureed, oo shalay hadal ka jeediyay kulan qado ahaa oo la isku barayay odayaal ka soo jeeda Sanaag-bari iyo xildhibaano reer Djibouti ah, waxa uu wasiirku sheegay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeyo Sanaag-bari iyo beesha uu ka soo jeedo raysalwasaaraha Djibouti, waxaanu wasiirka kalluumaysiga Somaliland sheegay in raysalwasaaraha Djibouti uu dhawaan iman doono magaalada Hargeysa, ka dibna u gudbi doono magaalada Lasqoray ee Sanaag bari si ay isu soo bartaan ayuu yidhi beeshiisa.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Djibouti oo iyaguna kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro xidhiidh isir oo ka dhexeeya labada beelood, waxaanay sheegeen inay isku xidhka labada beelood ay bilaabeen raysalwasaaraha Djibouti iyo wasiirka kalluumaysiga Djibouti.

Ka sokow hadalka wasiirka kalluumaysiga ma jiro war rasmi ah oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ka soo saartay socdaalka la sheegayo ee Raysalwasaaraha Djibouti.