Xukuumadda Iyo Ganacsatada Oo Isla Gartay In Shillinka Somaliland Lagu Iiibiyo Ganacsiga

0
558

Picture4Hargeysa(Geeska)- Wasaaradaha Maaliyadda,Ganacsiga, qorshaynta, madax wasaaradda waxbarashada ka socota, rugta ganacsiga, gudoomiyaha bangiga dhexe iyo haldoorka ganacsatada Somaliland ayaa shalay kulan ay ku yeesheen  Hargeysa kaga wada hadlay sidii Ganacsatada Somaliland wax ugu iibin lahayd Shilling-ka Somaliland kadib markii Shillingku hoos u dhacay doolarkuna kor u kacay.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Madaxda Shirkadda Dahabshiil, Telesom, Oomaar, Baxsane iyo kuwo kale waxaana la isla qaatay in digreeto lagu soo saaro sidii qiimaha alaabta la iibinayo loogu fadhiisin lahaa Shiling-ka Somaliland loogana guuri lahaa Lacagta Dolarka ah oo haatan Bulshada Somaliland si aada u isticmaasho siiba ganacsatada qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ugu horayn kulanka ka hadashay ayaa sharaxday kulamada u socday dhinacyada arrintani khusayso “Waxaanu halkan iskugu nimid shirar soo socday muddo laba bilood iyo dheeraad ah oo wasaaradda maaliyadda ka qabsoomi jiray, kuwaasi oo loogu kuur galayay qiimaha ascaarta iyo doolarka sidii wax looga qaban lahaa, walina lama soo gunaanadin, qodobo badan baa ka soo baxaya, waxaana la wadaa daraasado badan oo lagu eegayo sidii lacagteenu u shaqayn lahayd,” ayay tidhi Marwo Samsam.

Wasiir Samsan waxay intaasi raacisay “Waxaanu isla garanay haddii ay tahay wax iib iyo shaqo la qabanayaba in Shilinka Somaliland la isticmaalo. In maanta laga bilaabo la dhiiri galinayo lana farayo ganacsatada Somaliland inay isticmaasho shilinka Somaliland. Waa in hadday tahay ganacsato, xawaalado iyo dawladdaba in gacmaha la isqabsado oo sixir bararka laga hor tago, in dadka dan yarta ah ee Somaliland ee shaqaalaha u badan ee boqolkii dolar ee ay qaadanayeen uu sii cago cagaynayo inuu lixdan dolar noqdo haddii sidan lagu sii wado in laga hor tago,” ayay tidhi Marwo Samsam.

Wasiirka ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim, ayaa isna kulanka ka sheegay in hoos u dhaca shilinku sixir barbar ku keenay bulshada “Waxaa isku kaayo keenay Sixir barbarka iyo kor u kaca doolarka iyo hoos u dhaca shilinka, taas oo runtii noloshii dadka aad u saamaysay, waxaana kulankan soo dedejiyay oo aanu uga hor dhacnay cilmi baadhistii socotay heerka uu marayo qiimaha dolarka oo fursad aan na siin, markaa waxaanu isla go’aansanay in sida shuruucdeena oo dhan ku qoran lacagteena rasmiga ahi noqoto Shilinka Somaliland oo ganacsatadu qaadato,oo iskuuladu qaataan oo Cisbitaaladu qaataan oo adeegyada dadka loo qabanayaa shilinka Somaliland qaataan,” ayuu yidhi Wasiirku.

Gudoomiyaha bangiga dhexe ayaa isna bulshada iyo ganacsatada ku booriyay isticmaalka shilinka Somaliland, si looga baxo sixir bararka iyo korodhka qiimaha dolarka. Waxa uu sheegay in adeegyada lacaga telefonka ee Zaad iyo E-dahab laga dhigayo Shilin Somaliland.