Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Jawaabay Hadalkii Rayaale Ku Duray

2
692

rayyas1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka jawaabay hadal uu khamiistii guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin ku sheegay in go’aanka uu Axmed Yuusuf Yaasiin ku tagay shirka London yahay mid shakhsi ah, maadaama oo aanu kala tashan.

Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo khamiistii dalka ku soo guryo noqday ayaa wuxuu ka soo horjeestay inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, waxaanu isagoo ka hadlaya go’aanka guddoomiye xigeenka UDUB ku tagay shirka London uu yidhi  “Hadduu ka qayb galayo guddoomiye aniga ayaa xisbiga ka ah ee tallo uu igala tashaday maahee waa tallo shakhsiyan ah, shakhsiyadiisa ayuuna Axmed Yuusuf Yaasiin u tagayaa shirka London, kumana metelo xisbiga.”

Hase yeeshe Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagoo jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya xalay telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyka Geeska Afrika, ayaa wuxuu difaacay go’aanka uu shirka kaga qayb galayo, isagoo sheegay inuu la tashaday guddiga fulinta ee xisbiga maadaama oo uu ahaa ku simaha guddoomiyaha xisbiga,  “Horta odayga [Rayaale] waxaan filayaa xaggii sharciyada ayaa ka gadisantay, laba sano oo dhaw dhaw wadanka waa uu ka maqanaa oo duruufo gaara oo uu sheegtay ayaa uu ku maqanaa, markaa dee dabcan hawlaha xisbiga waxa leh kusimaha isaga oo la tashanaaya gudidda fulinta, arinkan uu ka hadlayna dee arin markii uu wadanka yimid curtay maaha amaba la bilaabay, waa arin hore loo dhameeyay oo aad looga dooday oo markii horeba anaga noo taagnaa dabadeena markii ila xidh faro badan la keenay ee aad loo wada hadlay laysla gartay Somaliland arinkeedu inuu gaar yahay, taas oo si qaran loo galay ayaanu galnay ka xisbi ahaan, waxna iska waydiinay aadna aan ula jeex jeexnay safiirkii, deedna naloo cadeeyay waxyaabaha uu ajandahu yahay iyo Somaliland arinkeedu sida uu noqonaayo, taas oo ay guddii fulintu ku qanacday.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu intaas raaciyay “Deedna sidaas ay dawladu noogu yeedhay oo lawada tashaday, madaxweyne Siilaanyana markii hore waa uu ka shakisnaa shirka, laakiin markii danbe ee la jilciyay waxbaa laysla meel dhigay, qanacaas danbe kadib ayaa la yidhi si heer qarana haloo galo oo guurtida,wakiilada,xukuumada iyo sadexda xisbi qaran inay shirkaas ka qaybgalaan, markaas arinku arin qaran weeye, maaha arin xisbi uu gaar uu wato ama shaqsi, taasna waxaan  filayaa inuu ku qaldan yahay.”

Isagoo dhinaca sharciyada ka eegaya wuxuu yidhi “Mida kale sharciyan marka uu isagu maqnaa dee awood baan lahaa, yaan lays odhan Axmed iyo Daahir wali waxay wax ku wadaan digreeto, arintan waa xisbi wada hadlaaya oo wadatashi la leeyahay oo ninka gudoomiyaha ah aanu go’aan lahayne uu waxuun gudoominaayo, markaa arinkaas waxa loogalay heer qaran, heer qarana waa loo gaadhay, dabcan gudoomiyahuna marka uu ka duulo  garoonka ee aanu shaqo ku maqnayn ee uu duruufo gaara u tagay dee markaas gudoomiye sharciya maaha, gudoomiyaha sharciga ah waa kii ku xigay, markaas waxii ka horeeyay waan ka xumahay inuu ka hadlo may ahayn oo dee wadankaba ma joogin shaqana kuma lahayn, waxa uu ahaa ninkaas labada sanadood danaha u gaarka ah u fadhiyay Paris, markaas waxaan leeyahay arinkaas waa arin qaran ahaan laysugu raacay, qaran ahaana loo galay, qaran ahaana haa iyo maya meel laga wada odhanaayo, tashiga uu doonayaana dee waa tashigaan la galay guddida fulinta, markaas mar haddaanu joogin inuu ka hadloba may ahayn.”

Comments are closed.