Agaasimihii Is Casilay Oo ka hadlay xayiraadda la saaray

5
653

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraad dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay agaasimihii wasaaradda arrimaha dibadda iska casilay Maxamuud Raage Ibrahim, oo soo bandhigay fadeexado muqumaasuq iyo maamul xumo.2012-02-17 10.55.44

Taliyaha waaxda baadhista dambiyada ee CID-da Daahir Muse Abraar, ayaa shalay waaxda socdaalka ee dalka gaadhsiiyay amar lagu xayirayo socdaalka masuulkaas oo uu sheegay inay baadhisi ku socoto. Qoraalka CID-da oo nuqul ka mid uu Geeska Afrika, helay ayaa waxa lagu yidhi  “Waxa Madaxda socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland laga codsanayaa inaad safarka ka joojisaan ninka [Maxamuud Raage Ibrahim] ujeedada sare ku xusan oo baadhitaan ku socdo, waana agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee JSL, kaas oo xilkii agaasimaha guud laga fadhiisiyay.

Sidaas daraadeed, waxaanu madaxa socdaalka JSL ka codsanaynaa inay dhammaan laamaha socdaalka ku wargeliyaan inuusan dalka ka dhoofin Maxamuud Raage Ibrahim, inta baadhistu dhamaanayso.”

Xayiraadan ayaa daba socota baadhis la sheegay inuu hantidhawraha guud ee qaranku ka wado wasaaradda arrimaha dibadda, taas oo ay dad badani shaki ka muujiyeen natiijada ka soo bixi doonta. Agaasimaha is casilay Maxamuud Raage Ibrahim, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, xalay wax ka weydiiyay sida uu u arko xayiraadda la saaray ayaa wuxuu yidhi “Waxaan idhi meesha musuqmaasuq ayaa ka dhacay, lacag 300 oo kun oo doolar ah ayuu la baxay wasiirku, oo uu kula baxay safaro iyo safaarado beena oo uu yidhi way furan yihiin, waxaan kale oo idhi  anigu ma sii joogi karo ee waan ka tagay, wasiirkii sidaas ahaa bari [maanta] ayuu madaxweynaa raacayaa, agaasimahii  yidhi dhibaataa ka jirta wasaaradana isagiibaa la xidhay, isagii baana la leeyahay waaranbaa loo jarayaa,  maanta meel walba oo aan maraayo  waxa I daba socda niman dawlada kamida oo meeshu fadhiistaba odhanaya halkan ma fadhiisan karo.”

Maxamuud Raage, wuxuu sheegay inuu habeen hore magaalada Hargeysa kula dagaalamay madaxa xafiiska siyaasadda ee madaxtooyada Bashir Cabdi Xariir, “ Waxa la yaableh Kaah [Hoteel] mar aan tagay waxa igula daggaalamay nin Bashiir Xariir la yidhaahdo oo siyaasada u qaabilsan madaxtooyada, markaa xoriyadaydii Hargaysa aan ku joogay ayaa halis ku jirta, wax kalana maan odhan ee waxaan idhi waar xaaraanta halayska daayo oo dadka masaakiinta ah yaan xoolahooda la cunin, mushkiladaas ayaa dhacday qarankana waan ka dhashay, qarankan xaqiisaanaan u doodayaa, waxii cadaymo ahna waan hayaa, wax kastaana waa ay iska cad yahiin.” Ayuu yidhi.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay eedaymaha ay madaxtooyadu u jeedisay ee ah inuu shaqadiisa ka soo bixi waayay, “ Waxa kale oo layaableh eedayntan laygu eedeeyay in aan shaqadaydii qabsan waayay waxaan ahayn ninkii u qaabilsanaa wasaarada heshiisyadii lala galay Itoobiya iyo Jabuuti, dhamaan heshiisyada ay Somaliland tagaysay waxaan ahay ninkii furayay ee xidhayay, waraaqaha heshiisyada ninkii qorayay, markaas waxa dhamaan heshiisyo la galay ninkii qaabilsanaa haddii la yidhaahdo shaqo muu qabanayn dee waa heshiisyadaana waxba kami jiraan.” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Raage.

Wuxuu foolxumo ku tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo soo saaro digreeto uu xilka kaga qaaday isagoo is casilay “ Waxa fool xumo ah madaxweynaha isaga oo aan u sheegay iscasilaadayda una diray qoraal, warbaahintana aan kala hadlay;  inuu iisoo diro qoraal uu leeyahay shaqadii waan kaa qaaday oo xil kas la’aan ayaan kaaga qaaday.” Ayuu yidhi.

Ugu dambayn wuxuu markhaati u qabsaday Xasan Mawlid oo xukuumadda ugu magacaaban safiirka Faransiiska, “ Arinta ugu qosalka badan leh waxay tahay, Xasan Mawliid oo kamida odayaasha reer Hargaysa oo caan ah, France buu ku qoran yahay, 80,000 [Sideetan kun oo Dollar) waa loo diray, markaas haddaanu Xasan Mawliid France-ba tagin yaa loo diray lacagtaas.” Ayuu yidhi Maxamuud Raage.

Comments are closed.