Wasiirrada gaagaaban ee ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dabeecadaha Ku Duugan Dherarkooda, Kamaal Axmed Cali

0
782

Wasiirrada gaagaaban ee ku xeeran Madaxweyne

Siilaanyo Iyo Dabeecadaha Ku Duugan Dherarkooda

Dhererku waxa uu saamayn ku leeyahay hab-dhaqanka, siyaasadda, bulsho la macaamilka iyo hoggaaminta siyaasiga… Q:2aad Kamaal A. Ali

Untitled

Cid kastaaba ha hadasho ee waxaa muuqata in ay adag tahay in ah is fahmaan wasiir Xirsi iyo dadka ay shaqadu ka gelayso madaxweynaha uu sheegay in uu afaafkiisa fadhiyo, waayo dabeecadihiisa abuurka ah ayaaba keenaya in qof kasta oo doona inuu dhaafo uu marka hore sii mariyo shaandho si uu u hubiyo in qofkani khatar ku yahay isaga jiritaankiisa iyo mansabkiisa, haddii uu qofkaasi yahay mid damac siyaasiya leh ama uu hore uga qabay dareen ah in uu mansabkiisa ku socdana waa hubaal in uu dagaal illaa halka u dambayso ah la geli doono. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale: In ay wax ka jiraan dabeecadda ninka dheer ku abuuran ee isaga oo aan ku talo gelin ku dhiirrinaysa inuu hawlihiisa u igmado nin gaabani, waxa ay si cad uga muuqataa golaha wasiirrada xukuumadda Siilaanyo oo u badan rag gaagaaban, laakiin waxa ay si weyn uga muuqataa wasaaradda arrimaha gudaha, oo wasiirkii uu hore ugu xushay ee Dr. Gabboose ahaa nin gaaban, markii uu iska casilay xilkiina uu mar labaad madaxweynuhu xilkan muhiimka ah u raadsaday nin kale oo gaaban.

Wasiir Duur in kasta oo uu weli xilka ku cusub yahay, haddana cidda u fiirsatay waxa ay dareemaysaa in aanay ka madhnayn dabeecadaha lagu yaqaanno ninka gaaban, marka aynu ka bilowna is-difaaca iyo cabsida ay ka qabaan in waxa ay haystaan loogu yimaaddo waxaa laga garan karaa faanka badan ee uu jecel yahay in uu ku kabo dhererka ka maqan, markii uu dhowaan wasiirku hor tegey golaha baarlamanka waxa uu ku celceliyey in uu xalliyey dhammaan khilaafyadii bulshada ka dhex dhacay muddadii uu xilka hayey, iyada oo aad mooddo in aanu dareensanayn in arrinta ugu muhiimsan ee uu xallinteeda ku faani karo oo ah tii Seemaal ay weli tahay qabyo, muhiimaddu ma’aha in mililka dusha laga dhayo, waa in dheecaanka laga sii daayo nabarka la bogsiinayo, weli waxaa maqan hormuudka raggii uu ku eedeeyey in ay yihiin fidno wadayaasha labada dhinac, cidna laguma caddaynin dilalkii foosha xumaa ee dhacay, sidaa awgeed waa arrin qabyo ah, oo aan lagu faani karin inay bogsatay. Wasiir Duur muu ka baydhin dabeecaddii ninka gaaban lagu yaqaannay ee ahayd is difaaca iyo faan lagu daboolayo galdaloolada, waxa uu si dadban u muujiyey in aanu ku qanacsanayn qorshaha hadda uu ku shaqeeyo oo ah qorshihii wasiirkii ka horreeyey dejiyey, sidaa awgeed uu wax badan ka beddeli doono. Waa runtii oo nin gaabani ma indho buuxin karo nin kale oo gaaban, markaa waa in uu isagu tiisa la yimaaddo.

Dabeecadda ninka gaaban ayaa ah in uu mar kasta difaaciisa adkeeyo, ceeb kasta oo dhankiisa loo tirin lahaana uu ka dhigo mid dadka oo dhan ka dhaxaysa. Wasiir Duur markii uu hadalka u jeedinayey golaha baarlamanka waxa uu hadalkiisa ku bilaabay in dalku nabad yahay, taas oo ah arrin xaqiiqo ah oo aynu ka wada dheregsanahay, waxa aanu si caadiya u xusay in dhibta keliya ee jirtaa ay tahay ta ka taagan deegaannada bari, laakiin sidii caadada u ahayd dadka dhererkiisa ah ayuu markiiba dhibta bari ka taagan ka dhigay mid nooceedu dunida oo dhan ka jiro, “Taasna waxa aan odhan karaa, ma jiro wadan caalamka boqolkiiba boqol nabad ah.” Ayuu yidhi wasiirku. Waa run in dunida oo dhani waayadan iska hawlaysan tahay, waanu ku saxan yahay wasiirku, laakiin waxa aynu hoosta ka xariiqaynaa sida dhaqsaha leh ee uu wasiirku dhibtan taagan uga dhigay mid aanay ceebteeda xukuumaddiisu lahayn, taas oo xattaa haddii ay run tahay, haddana laga yaabo in ninka dheeri aanu xasuusteen in uu dhaqso xujo ugu doono dhibtaas.

Dabeecadaha ninka gaabani waxa ay sida dharaarka uga muuqdaan wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo caan ku ah in mar kasta uu ku faano wax qabadkiisa oo uu hal-qabsi uga dhigo ereyga caanka noqday ee Waa markii ugu horreysay ee…. Ciddii daawatay barnaamij dood ahaa oo uu talefishanka Aljazeera qaybtiisa Ingiriisidu ka diyaariyey madax bannaanida Somaliland, maalmihii uu madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay jagada balse aanu weli soo dhisin xukuumadda, waxaa la arkay Md. Cumar uu si geesinimo leh ugu babac dhigay Ina Samatar-ka ku andacooda waxa uu ugu yeedho raadinta Midnimada Soomaaliya iyo wiil reer Qatar ah oo lagu magacaabo Af-yare. Dadkii luuqadda Ingiriisida igaga xariifsanaa waxa ay markiiba dareemeen in Dr. Cumar luuqaddiisu aanay ahayn tii laga filayey wasiir dibadeed, walow markaas aanu wasiir ahayn. Digtoorku waxa uu maray dabeecaddii looga bartay ninka gaaban ee ahayd in dhaliil kasta oo uu leeyahay uu ku sheego cidda ay is hayaan, malaha waana sababta uu dhowaan agaasimihiisii is-casilay ee musuq-maasuqa ku eedeeyey uu markii wax ka sheegay shaqadiisa iyo si gaar ah luuqaddiisa. “Agaasimaha markii aanu aragnay inay ku adag tahay hawsha wasaaraddu gaar ahaan xidhiidhada iyo luuqaduba, waxaanu garanay inaanu caawino oo waanu taageeraynay, mana jirin wax dhibaato ah oo aanu ku haynay laakiin markii shaqadii ku adkaatay ee ay ka hor timid waa kan maanta iska casilay xilkii, waxaan u rajaynayaa waa nin dhalinyaro ahe’e inuu mustaqbalkiisa ku guulaysto oo uu shaqo kale oo uu ka soo bixi karo qabto,” ayaa ka mid ahaa hadalladii wasiirku ku weeraray aqoonta masuulka is casilay. Taas oo loo fahmi karo in dhibta luuqadda ee dadka qaar ku sheegeen uu wasiirku u haysto in ay cid kasta oo kale haysato, ama inta aan la sheegin in uu isagu ka dhigto hub uu cidda ay is hayaan ku weeraro.

Cuqdaddii Napoleon:

Cuqdadda Napoleon waa magaca aan rasmiga ahayn ee khubarada cilmi nafsigu ay jeclaysteen in ay u bixiyaan nooc ka mid ah xanuunnada nafsiga ah ee qofka ku dhaca oo ah Cuqdad hoosayn ah oo qofka ku dhacda. (In qofku nafsiyan u aamino inuu dadka kale ka hooseeyo oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Inferiority complex).

Waa xanuun nafsi ah oo dadka qaar ku dhaca, gaar ahaan ragga gaagaaban ee xilka qabta. Ereygan waxaa sidoo kale loo isticmaalaa qof kasta oo iska dhaadhiciya malaha ah in aanu karti u lahayn inuu ka takhaluso caqabadaha kala duwan ee nolosha, illaa uu xoog iyo rabshad adeegsado.

Khubarada qaarna waxaabay ku magacaabaan cudurka ninka gaaban ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo Short man syndrome. Cudurkan nafsiga ah waxaa loogu magac daray hoggaamiyihii Faransiiska ee Napoleon, xikmadda ka dambaysaana waa in khubarada cilmi nafsigu ay ogaadeen in Napoleon uu gaabnidiisa ka qaaday cuqdad ah in qayrkiisa ka dhaadheer uu ka hooseeyo. Cuqdaddaasi waa ta keentay in iintaa uu aaminay inuu leeyahay ama haddii aynu si kale u nidhaahno dhererkaa ka maqan uu ku kabo awood raadin iyo in uu cududdiisa tuso cid kasta oo uu ka aamino inay xaqirayso.

Daraasad cilmiya oo sannadkii 2007-da ay samaysay jaamacadda Central Lancashire oo ku taalla dalka Ingiriiska ayaa ka marag kacday in ay xaqiiqo tahay aragtida cilmi nafsiga ee aaminsan in ninka gaabani uu ka dagaal iyo rabshad badan yahay kuwa dhaadheer. Daraasaddu waxa ay iftiimisay in ninka gaabani uu ka cadho badan yahay celcelis ahaan ninka dheer. Professor Abraham Buunk oo ka tirsan jaamacadda Groningen ee dalka Netherlands ayaa isna baadhitaan uu sameeyey ku xaqiijiyey in ugu yaraan boqolkiiba 50 ragga gaagaaban ahi ay ka makhruuqsan yihiin (Hinaase) ninka dheer.

Dhanka kalana tiro-koobyo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in shacabku mar kasta hoggaamiyaha dheer ka jecel yihiin ninka gaaban, sababtaa awgeedna ay inta badan dhacdo in labada nin ee madaxnimada u tartamaya ka dheer ama ugu yaraan jidhkiisu buuxo ee garbaha waaweyn lihi uu guulaysto. Daraasad ay samaysay jaamacadda Texas Tech ee dalka Maraykanka ayaa muujisay in saddex meelood meel ka mid ah dadka codeeyaa ay jecel yihiin in ay codkooda siiyaan dadka tartamaya kan ugu dheer, haddii aanay jirin ceebo badan oo uu dheer yahay kan la tartamaya ee gaabani.

Macnuhu maaha in uu ninka gaabani aanu talin karin ama nolosha qaybtiisa buuxin karin, waayo in badan ayaa la arkay hoggaamiye gaaban oo dalkiisa horumar ballaadhan gaadhsiiyey, waxaa la arkaa hoggaamiyeyaal iyo rag garaad badan oo dherer ahaan kaba gaaban 155 sm. Aynu soo qaadanno madaxweynihii ugu gaabnaa ee abid soo mara dalka Maraykanka James Madison oo ahaa madaxweynihii afaraad, waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay yahay aabihii dastuurka dalka Maraykanka, waxa uu fure u ahaa aasaaskii xisbiyada siyaasadda ee dalkaas waxaanu gacan ku lahaa shuruuc tiro badan oo muhiim ah samayntoodii, waxa uu gacan weyn ku lahaa dhismihii ciidamada awoodda badan ee dalka Maraykanka iyo nidaamka bangiyada, waxa uu ahaa geesi sharafta dalkiisa awgeed ku dhawaaqay dagaalkii adkaa ee Maraykanku la galay Ingiriiska oo dafirsanaa qarannimada Maraykanka, yeynaan illaabin Napoleon qudhiisa ee, in kasta oo dad badani wax ka sheegaan haddana taariikh-yahannadu waxa ay qirayaan in uu casriyeeyey jamhuuriyadda Faransiiska, waxa uu dhisay waxbarashada oo uu maamulkeeda dawladda hoos keenay, waxa aanu dejiyey nidaamka waxbarasho ee ah hoose/dhex sare iyo waxbarashada sare ee heerka jaamacadeed.  xilligiisii Faransiisku waxa uu gaadhay guulo badan oo dhinaca dagaalka ah, waxaana illaa hadda jaamacado badan oo milateri oo dunida oo dhan ku filiqsan lagu dhigtaa dagaalladii uu galay Napoleon, waxaa la isku waafaqsan yahay in isagu salka u dhigay xeerka madaniga ah ee dalkiisa oo dalal badan oo kalana ka qaateen illaa haddana ku jira culuumta sharciga.

Halkee sartu ka qudhuntay? Si kastaba ha ahaato ee waxa ay dhibtu tahay in marnaba ninka gaabani aanu daacad u noqon karin ninka dheer ee uu ka hoos shaqaynayo, inta badanna waxa uu ku dadaalaa uu yahay keliya inuu isagu is muujiyo iyo inuu dantiisa raacdo, waaba haddii aanu ka shaqayn sidii uu ninka dheer u lugoyn lahaa, sidaa awgeed waxa ay qormadeenani ku soo ururaysaa in ragga gaagaaban ee uu madaxweynaha dheer ee Somaliland u dhiibtay xilalka muhiimka ahi ay u dhow yihiin in ay kala fogeeyaan isaga iyo bulshada iyo in ay bar madow ku noqdaan taariikhdiisa hoggaamiyenimo. Dhammaad.

Qormadan waxa qoray Kamaal Axmed Cali, oo ah guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika