Arrimaha Caafimaadka: Hepatitis C

0
540

Akhriste ku soo dhawaw qormada todobaadkan oo aynu ku faaqidayno qayb kale oo ka mid ah caabuqyada ku dhaca beerka.

Hepatitis C waa caabuq ku dhaca beerka , kaas oo uu keeno nooc ka mid ah Virus-ka kaas oo loo yiqaano Hepatitis C virus.  Cudurkan ayaa ah mid laga bogsado marka dacal laga eego , halka dhinaca kalena uu keeni karo beerka oo hawl gaba.

Cudurkan ayaa inta badan ku gudba dhiiga la isu shubo. Waxa sida oo kale xusid mudan in lagu kala qaadi karo irbadaha iyo adeeg caafimaad oo aan la hubin fayo-qabkiisa. Hooyada oo u gudbin karta ilmaheeda iyo lamaanaha is qaba oo iyaguna kala qaadi kara.

Sanadkii 2016, 399,000 ayaa u geeriyooday Hepatitis C iyagoo intooda badan uu ku keeney beerka oo hawl gaba iyo kansarka beerka.  Waxay se bushaaradu tahay in ay dawooyinku bogsiin karaan Alle idankii 95% in kasta oo baadhitaanka iyo dawayntaba dadku intooda badan helin.

Astaamaha cudurkan, 80% dadka cudurkan la nool ayaan yeelan haba yaraate. Waxa ka mid ah astaamaha uu yeelan karo bukaanku:-

Xummad

Daal badan

Matag

Yalaalugo

Calool xanuun

Xubno xanuun ( joint pain)

Cagaar shaw ( Jaundice)

Midabka kaadida iyo saxarada oo is bedela

Qofka oo si fudud u dhiiga

Xajiimo ( cuncun)

Miisanka oo yaraada

dadka in badan ayaan la ogaan ilaa uu dhaawac badani soo gaadho beerka . waxa lagu baadhaa oo lagu ogaadaa cudurkan laba baadhitaan oo midna la eego dheecaanada difaaca iyo in la helo virus ka qudhiisa. Mararka qaar waxa la qaadaa cad yar oo la baadho si loo ogaado inta uu gaadhsiisan yahay dhaawaca beerku.

Daawaynta cudurkan ayaan inta badan la siin dadka markaas uun uu soo galay jidhkooda sababtuna ay tahay in difaacu ka tir-tiri karo jidhkeena. Bukaanka ayaa la siiyaa daawada cudurkan marka uu ka bixi waayo jidha iyada oo ay qaadan karaan bukaanadu mudo 3-6 bilood ah.

Cudurkan ayaan lahayn talaal balse lagaga hor tegi karaa qodobo door ah oo ay ka mid yihiin baadhitaanada dhiiga ka hor inta aan la shubin, in la dhawro si hufana loo tuuro qashinada irbadaha iyo wax kasta oo sari kara dadka.

Dadka qaba Hep C waxa la door bidaa in laga talaalo caabuqyada kale ee beerka isla markaana lala socdo xaalada bukaanka.

Cudurkan ayaa ay ka unkami karaan cillado kale oo dhib badan leh. Waxa ka mid ah beerka oo xanjooba iyo kansarka beerka ku dhaca. Qodobada halistaasi kor u qaadi kara ayaa ay ka mid yihiin raga, da’da oo 50 ka weyn, qofka caba khamriga iyo dadka hore u lahaa Hepatitis A ama  B

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com