Madaxweynaha Oo Ku Hanjabay In Talaabo Laga Qaadayo Dadka Ciidamada Weerara

0
642

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay ciidamo boolis ah oo la sheegay in dad shacab ah ay ku laayeen Ceel-afweyn, waxaanu sheegay inay xukuumadu ka qaadi doonto talaabo deegaankaas.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in wax aan loo dulqaadan karin ay tahay in deegaankaas ciidamada qaranka lagu laayo, waxaanu ugu hanjbay inuu cagta hoosteeda galin karo se hadda uu doorbidaayo in dadkii dilkaas uun gaystay la qabto, waxaanu sidan ku sheegay isaga oo xaflad kaga qaybgalay Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan tacsi u dirayaa ciidka booliska ee lagu laayay Ceel-afweyn oo aan la garanayn sababta loo laayay, kuwii dhintay Alle haw naxariisto kuwa dhaawaca ah alle haynoo caafimaadiyo, garan mayno wax ciidankaas lagu laayay, wax dhibaato ah oo ciidankaas loogu yimaado oo la qiri karaa majirto, cisho dhawayd ayay ahayd markii la lagu laayay saraakiishii jeelka oo wax alle iyo wax loo laayay aan la garanayan, waxa la yaab leh in reer uu ciidanka qaranka si dhib yar isaga laayo haddii qaranku uu dulqaato oo la yidhaahdo nabada ha la ilaaliyo oo xagan halooga wareego inay noqoto wado xalaal ah in ciidankii qaranka la laayo maalin walba, oo deedna laba jilibna ay kala baqdaan oo ninku haduu qolo yahayna aan la taaban karin oo reerkooda laga baqanaayo haduu qarankii yahayna lagu soo degdegaayo oo bilaa micne lagu dilaayo wax la qabali karo maaha. Xukuumadu ha dulqaadato dadka hala waaniyo gacan qabow halagu maamulo laakiin dulqaadka iyo doqoniimadu waa walaalo lama kala saari karo, waxa ay ila tahay inta uu qaranku dulqaadkii dhaafay inuu doqonimadii ku jiro oo maalinwalba uu qaranku mayd soo walaqsanaayo oo ay tahay ninkii waa looma ooyaan, waxay ila tahay inay taasi soo afjarmayso caqli ka badana la keeno dhib yaraantaas ciidanka qaranka loo laynaayo, anaga xukuumad ahaan iyo madaxweyne ahaana waan ogahay in qaranku leeyahay maxaa laga qaadayaa reerahan laynaaya ciidanka qaranka, waan ogahay in su’aashaasi I sugayso, waxaynu ka qaadi wax aynaan kuna burburin ninka gardarana aynu ku qabno.”

Madaxeynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “aad iyo aad ayaan uga xumahay mana sii socon karto, wadaadadu markay shareecada eegayaan waxay yidhaahdaan labada dhibaato ta yar markaana waa in danbiilihiina la qabtaa gacantiina aan gacan ka weyn loo gaysan ileen waa la kari karayaa in reerkayar ee wax laynaaya cagta la saaree labadii ayaa laysku eegayaa laakiin caqli ayaa laga doonayaa dadkaas maalin walaba ciidanka qaranka laynaaya waana deegaan kaliyaata.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here