Axmed Siilaanyo Haddii Aanu Ku Guulaysan Lahayn Madaxwayne-nimo Waxaa La Odhan Lahaa Ictiraafkii iyo Hor’umarkii Ayuu Inoo Hayaa Ee Maxaa Loo Dooran Waayay

0
681

Picture1Horta waa ILAAHAY  Mahadii hadii Dadkii doortay ay garteen isla markaana ogaadeen Qofka uu ahaa Axmed Siilaanyo waxa ka xumaan lahayd haduu Geeriyoon lahaa isagoon M/weyne noqon sababtoo ah koley Rag badan oo aanu Saaxiibo nahay ayaanu isku maan dhaafsanayn oo aad u Aaminsanaa haduu Axmed Siilaanyo Talada qabto inuu keenayo Aqoonsiga, in la waayi doono Musuq-maasuqa in Cadaaladu Fiicnaan doonto in Somaliland loo soo Shaqo tegi doono markaa haduu Kursiga hortii dhiman lahaa ismaanu afgaraneen Saaxiibaday oo waxay ka dul ooyi lahaan Xabaashiisa Anigana waxay ii arki lahaayeen Ninkii Xumaa ee diidenaa Aqoonsiga iyo Hor’umarka Somaliland laakiin Maanta waxay igu yidhaahdaan Awliyo ayaad tahay ama wax Garad ayaad tahay Runtiina waxaan is idhaahdaa iyaga ayaa kaa hagaagsanaa oo sidan Maanta loo wada arkay Qofka uu Axmed Siilaanyo yahay lama wada arkeen horta Saaxiibaday aad u Kaftanaa waxay Axmed Siilaanyo ku Asteeyaan Beydkii ku jirey Gabaygii Gud- gude ee ahaa Bahal Geed is Marisaa Maqlay Gobol islaamaa, Wadaad gaado baxa raba gadh intuu samaystuu Kitaab garabka soo sudhay Isagoo Bahala ayuu maqlay Hooyadii Reerka oo ku leh Odeygeedii Reerka u Ducee markaasuu intuu Geed Is-mariyey Sheekh iska Dhigey Kitaabna soo qaatay markiiba Hooyadii ayaad tidhi waaban Sheekh inoo soo galay markii uu Cuney Xoolihii la Qalay ayaa Ducoba laga waayey wixii uu sameeyey Buugaata ayey ku taalaa.

Waxaan uga jeedaa Axmed Siilaanyo wuxuu maqlay Somaliland ayaa is Bedel laga doonayaa Maalintaas ayuu Kitaabka Garabka sudhay oo uu oohinta bilaabay Ereyadiisii waxa ku jirey Dekeda iyo Haamaha Miisaaniyada ayaa lugu darayaa; Xaaskayga arki meysaan wax walba waan Hagaajinayaa hadaa i doorataan waxaana Ereyadiisa ku badnaa maruun I doorta maruun I doorta waxase waxaas oo dhan ka Xun oo Dembi ka galay Umadan waana kuwii hore u yaqaaney ee ilaa Maanta ag jooga ee Hantida Umada Booba

Qoraa: Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro)