Waxa Beertayadii Dhacay Taliyaha Xabsiga Borma

0
730

Waxaanu si wada jir ah ugu sheegaynaa oo ula socodsiinaynaa  masuuliyiinta heer gobol iyo heer qaranba gaar ahaan kuwa amniga u xil saran sida Wasiirka arimaha gudaha taliyaha ciidanka policeka.

Khaasatan taliyaha ciidanka asluubta Maxamed Cismaan Ibraahim anagoo kala ah odayaasha magacyadoodu hoos ku xusanyihiin  in xaalad cakiran oo nabad galyada dhaawacaysa waxna u dhimaysa  dhiiladeedana leh ay dul hoganayso  Xarunta G/Awdal ee magaalada  Borama. Xaaladaas oo ah taliyaha xabsiga Borama Siciid Xuseen Caynaan  oo iibsaday beer aanu leenahay oo ku taala beeralayda dunbuluq ee degmada Borama.

 isagoo iibsaday beertayada intii uu xilka taliyanimo hayey anagoo ka maqan magaalada anagoo cabasho rasmi ahna u gudbinay taliska guud ee ciidanka asluubta oo uu naga gudoomay taliyhii hore.  taas oo cadaynaysa in uu shaadhka ciidanka nagu boobay isagoo ku tagrifalaya awooda darajada iyo sharafta ciidanka asluubta  waxaana ka markhaati kacaya dhaca uu noo gaystay  baadhitaanadii iyo dacwadihii xeer ilaalinta ciidanka J.S.L ay u igmatay taliyaha qaybta Police-ka iyo hay’ada dambi baadhista C.I.D ee Gobolka Awdal ay amreen inay soo baadhaan ayuu sicad u hor joogsaday taliye siciid, waxanu  ku kacay xayiraad jabin kiiyoo sharciga ku tumanaya gacantiisana ku fushanaya.  waana markii labaad oo  uu xayiraada maxkamada gobolka Awdal ay beerta saartay uu si badheedh ah u jabiyo tiiyo cadaynteeduna ay  maxkamada taalo. Isagoo  iibinaya,baloodhaynaya,seesna marinaya maalinba inta uu iibiyo.

Hadaba albaab kasta oo aanu umarno waxka qabashada arintan dulmiga ahna waxa uu la hortaaganyahay joonyad lacag ah oo uu beerta uu nagadhacay uu ka kasbaday ama kaheley.

Hadaba waxaanu ka digaynaa balaayo waa laga hortagaaye dhibaatada ka dhalank arta iyo khataraha nabadgalyo xumo ee  arintan awood maroorsiga ahi isu badali karto hadaan si dhakhso ah wax looga qaban oo talaabada ugu haboon looga qaadin in cawaaqib xumada kadhalata aanaan mas’uuliyadeeda qaadayn ee uu qaadayo sarkaalka sarkaalkaa beertayada sharci darada ku iibsaday..

Muj;Maxamuud Muxumed Caynaan(Balaayacas)……Degan B/gubadle.

C/laahi Muxumed Caynaan…Degan Wajaale.

Daahir Muxumed Caynaan.. Degan Gabiley