Cabashada Reer Awdal Ee Saami-Qaybsiga Xildhibaannada Golaha Wakiilladu Ma Garbaa Mise Waa Si Kale?

0
557

Picture4DOORSHADII 2005

Waxa laysla qaatay in saamiga gobollada loogu qaybiyo saamigii 1960kii degmooyinka aan kor ku soo sheegnay oo gobollo loo beddeley, isla markaana mid walba kuraastiisii lagu dhufto 2.5   waxaanay  noqotay

Gobolka Maroodi-jeex 7×2.5 =17.5

Saaxil  5x 2.5 = 12.5

Awdal  5x 2.5 = 12.5

Togdheer 6x 2.5  = 15

Sanaag  5x 2.5 = 12.5

Sool  5x 2.5 = 12.5

Tiro guud  82.

Halkaa iyada oo taagan ayaa cabashooyin gobollada oo dhan ahi soo baxday taas oo gobol waliba leeyahay waannu badannahay oo noo qaybsami mayso, sidaa darteed ayaa gobollada qaar wax laga gooyey , qaarna wax loogu daray, qaarna sidoodii loo daayey, masalan:

Hargeysa: oo lahayd 17.5 waxa loogu daray 2.5waxanala siiyey 20

Awdal: oo lahayd 12.5 waxa loogu daray 0.5waxana la siiyey 13

Saaxil: oo lahayd 12.5 waxa laga jaray 2.5waxana la siiyey 10

Sanaag: iyo Sool waxa laga tuuray midkiiba 0.5waxana la siiyey 12

Togdheer: waxna looguma darin waxna lagama jarin

Waxan aan ka hadlayaa maaha ku tidhi-kuteen ee wax aan goob joog ka ahaa

Sidaa darteed ayaa waxa saami qayb-sigii noqay oo doorashadii lagu galay sidan:

Gobolka Maroodi-jeex 7×2.5 =17.5+2.5  = 20

Saaxil  5x 2.5 = 12.5  – 2.5 = 10

Awdal  5x 2.5 = 12.5  – 0.5 = 13

Togdheer 6x 2.5  = 15 = 15

Sanaag  5x 2.5 = 12.5 –   0.5    = 12

Sool  5x 2.5 = 12.5  –       0.5 = 12

TIRO GUUD = 82.

DOORASHOOYINKII DALKA KA DHACAY 2002-2012.

Haddii walaaleheenna Awdal ay ka cabanayaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaannu tiro badan ku codaynnay sidaa darteed waxbaa naga maqane ha nala siiyo oo taasi ay caddaato waxaan u arkaa inay gar noqonayso meel laga maraana aanay jirin, haddii kalese waa aragti kale, taana ila eega.

AFEEF: Doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa lagu galay diwaan gelin la’aan marka laga reebo doorashdii 2010-kii waana doorashada la odhan karo haddii doorsho la raad raaaco loo baahan yahay iyadaa ugu dhow, Awdalna waxa ka codeeyey 81,338.sidaa darteed diiwaan gelintaa cid wax iskala hadhay may jirin, gobol walibana wuxuu doonayey inuuTirada ugu badan soo saaro, taasna reer awdal dadka ayay kala mid ahaayeen waa gobolka 65,000-114,000 inta u dhaxaysa marba si looga codaynayey, gobollada kalena waa la mid , waxanse iyaga carrabka ugu adkaynayaa ama tusaaalaha ugu soo qaadanayaa waa gobolka cabashadiisu taaganta tahay ama soo noq-noqoto.

Doorashooyinkiina waa kuwane bal hadda eega: La Soco