Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Ibraahim Fiqi

0
767

Waa qayb ka leo o ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga Awoodda xakamaynta nafta’ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Dabeecadahan oo aad ku dhaqantaa waxa ay aad kaaga caawinayaan in aad dhinaca togan ka eegto arrimaha kugu xeeran iyo dhacdooyinka aad la kulmayso.

Dhoollacaddee

Carruurtu maalintii celcelis ahaan 400 oo jeer ayaa ay qoslaan, laakiin dadka waaweyn waxa ay qoslaan 14 jeer oo keliya. Dhoollacaddaynta iyo qosolku waxa ay ka shaqaysiiyaan 14 muruq oo ka mid ah 80 ka muruq ee wejiga. Halka weji ururinta iyo cadhadu ay ay ka shaqaysiiso ku dhowaad xubnaha wejiga oo dhan. Sidaa awgeed cadhada iyo weji xidhnaantu waxa ay caawisaa in qofka uu coodhcoodhku ku soo degdego.

Farxadda iyo qosolku sida xanuunnada qaar ayaa ay dhaqso ugu faaftaa dadka kugu xeeran, iyada oo caafimaad ah. Waa wanaag aynu faafinayno oo aan dadaal gaar ah iyo kharash ama dhib kale inooga baahnayn, balse aynu wax ka dheefayno. Sida uu macallinkii basharku (SCW) inoo sheegayna, ‘Walaalkaa oo aad weji farxad leh ku qaabishaa waa sadaqo’.

Dadka magacyadooda ugu yeedh

In qofka aad magaciisa ugu yeedhaa waa arrin aanu qofku si caadi ah u malaysan Karin raadka yaabka leh ee ay ku yeelato qalbiga qofka. Qofka oo aad magaciisa ugu yeedho kaga heli maysid in uu qalbigiisa kuu soo jeediyo oo keliya, balse sida oo kale waxa uu diyaar ayaa uu u noqonayaa in uu qalbiga kuu furo.

Dhegeyso oo fursad sii qofka kula hadlaya

Weli ma is weydiisay sababta aad laba dhegood u yeelatay, laakiin afku uu mid keliya u yahay?

Qaado masuuliyadda falalkaaga iyo gefafkaaga.

In aad si buuxda u qaadato masuuliyadda qaladaadka aad gasho iyo ficillada aad samaysaa, waxa ay ka dhigantahay in aad adeegsatay kartidii iyo awoodihii aad lahayd oo dhan. Ma jirto guul ku timaadda qofka oo aan masuuliyad qaadayn.

Dadka wanaaggooda sheeg

Si xidhiidhka aad qofka kale la leedahay u sii wanaagsanaado ku dadaal in aad sheegto wanaaggiisa iyo meelaha uu u xooggan yahay ama waxyaabaha uu ku fiican yahay. Ibraahiim Fiqi buuggiisa ‘Awoodda xakamaynta nafta’ waxa uu ku sheegayaa in dadku ay jecelyihiin in ay qofka kale ka maqlaan ereyo qaddarin iyo ammaan ah.

Cafi oo wixii hore maanta dhalay ka noqo

Dhacdo kasta oo xanuun badan iyo arrin kasta oo taban waxaa ku lammaan dareenno taban oo qofka qalbigiisa ku soo hadha iyo xusuuso aan fiicnayn. Ku dadaal in aad tirtirto xusuusta waxyaabaha taban eek u soo mara. Laakiin ha illaawin in aad casharro ka barato wixii ku soo maray, si aanad mar kale qaladaadka ugu noqon.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here