Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Ibraahim Fiqi (Q:9aad)

0
981

Waa qayb ka leo o ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga Awoodda xakamaynta nafta’ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Waa qaybtii shanaad tirsiga Kitaabka, waana qaybta ugu dambaysa. Waxa uu Ibraahim Fiqi qaybtan kaga hadlayaa hannaanka ay tahay in qofku uu u maro fulinta qorshayaashiisa.

Tan iyo markii aynu nolosha indhaha ku kala furnay, waxaa maskaxdeenna ku shubmayey barnaamij innagaga imanaya dadka innagu xeeran, iyaga ayaana macallin inoogu ahaa habka ay tahay in aynu u hadalno, habka ay tahay in aynu u dhaqanno iyo anshaxa aynu la imanayno. Waa barnaamij la innagu shubayo innaga oo aan mar keliya fursad u helin in aynu is weydiinno ama cidda innagu shubaysa weydiinno in u ufaa’iido inoo leeyahay, iyo in uu innaga caawinayo koboca iyo horusocodka nolosha, ama uu yahay caqad innaga hor istaagi doonta waxa aynu higsanayno gaadhistiisa.

Dr. Shad Helmstetter Ayaa buuggiisa ‘What to Say When You Talk to Yourself’ (‘Waxa ay tahay in aad tidhaahdo marka aad naftaada la hadlayso), marka uu ka hadlayo ‘Anshaxa’ waxa uu ku qeexayaa, ‘Habdhaqan, waa waxa aynu samayno ama waxa aynaan samayn. Waa ka xakameeya ama maamula guusha ama guuldarrada aynu gaadhayno.

Ficillada aynu samaynayno ayuun baa xaddida ama qaabeeya habdhaqankeenna iyo jidka aynu u marayno guusha. Sida uu qof kasta oo innaga mid ahi u eegayo naftiisa, ayaa ah furaha shakhsiyaddiisa iyo habdhaqankiisa. Hadda in la beddelo aragtida qaldan ee qofku ka qabo naftiisu waxa ay qasab ka dhigaysaa in la beddelo shakhsiyadda, habdhaqanka iyo anshaxa qofka oo wada socda.

In qofku uu  soo afjaro habdhaqankii tabnaa, halkiisana ku beddelo mid togan. In uu iska joojiyo in uu dadka iska malaysto uun, ama xukun ay isaga la tahay uun uu saaro.  taas beddelkeedana uu ku mashquulo sababaha farxadda iyo badhaadha soo jiida, isla markaana uu joojiyo aragtida taban ee uu qofku naftiisa ka qaadanayo. Mar kasta waxa aad ogaataa in aad noqon karto qofka aad doonayso. Aamin awoodahaaga aad aaminsanaanta taban ugu beddeli karto mid kale oo togan, si aad uga hesho awood ka sii badan inta aad haysato.

Mar kasta xasuusnoow in noloshu ay rejo tahay. Waa rejo xanuun ku lammaanyahay, ajashuna kediso ku noqoto. Waa sida uu gabyaagii ku lahaa tuduc macnaheedu yahay, noloshaada rejo ku nooloow, khayrna rejee (Filo).

Yeelo yoolal iyo bartilmaameed aad dartood u noolaato, qor, oo weliba raaci qorshaha aad rumayntooda u marayso. Hal adayg, awood iyo Alle oo aad talo saarato ku waajah caqabadaha nolosha. Alle waa ka dadka sabirka badan jecel, waa Allaha aan dayacin ajarka cidda same fasha.

Maanta bilow oo noloshaada dhinaca fiican u beddel, dadka kalana ka caawi in ay beddelaan, mar kastana niyadda ku hay in farxaddaadu ay gacantaada ku jirto. Dhammaad

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here