Australia Oo Samaysanaysa Roob Ay Kula Dagaallanto Abaaraha Beeraha Ka Halakeeyey

0
624

Picture10Sydney (Geeska)- Dawladda Ustareeliya ayaa jasiiradda Tasmania ee beeraleyda ah oo abaaro ba’ani ka jiraan ka bilowday mashruuc ay roob gacan-ku-rimis ah kaga curinayso. Diyaarado joog aad u hooseeya ku duulaya oo dhulkaas ku buufinaya walxo kiimikaad ayaal agu arkayaa samada jasiiraddan iyo deegaanno kale oo dalka Ustareeliya ka mid ah, waxa aanay masuuliyiinta dalku aaminsan yihiin in dadaalkoodani uu qayb ugu yaraan boqolkiiba 5 ah ka qaadan doono in roobab ay gobolka ka da’aan.

Farsamadan casriga ah ee daruuraha lagu bacarminayo si ay roob u dhalaan ayaa in kasta oo ay muddo ka hor soo baxday haddana waayadan dambe ah mid aad loo danaynayo, gaar ahaan dalalka Maraykanka iyo Filibiin oo roob la’aanta muddo meelo ka mid ah soo haysya ka sokow la saadaalinayo in abaaro aad u ba’anina ku soo fool-leeyihiin. Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in farsamada roob sancayntu ay xilliga jiilaalkii aad ugaga fiican tahay xilliyada kale ee sannadka, guud ahaanna dunida oo dhan waa ay ku yar yihiin barnaamijyada noocan ah ee daruurta lagu bacariminayo, maadaama oo uu kharash badani ku baxayo, waxtarka laga filaana uu kooban yahay, laakiin dalka China ayaa muddo waday welina sii wada barnaamijyo waaweyn oo qaabkan roob lagu curinayo.

China sannadkii 1958kii ayaa uu bilaabay barnaamijka faro-ku-riminta daruurta, waxa aanu saraasado aad u waaweyn ku sameeyey barnaamijka Roob-sancaynta oo uu doonayo in uu sannadka 2020ka gaadhsiiyo in biyo roob oo dhan Bilyan Mitir Kuubic ay ku da’aan si loola dagaallamo biyo yaraanta.