Shirkadda TELESOM Oo Casho Sharaf U Samaysay Dhakhaatiir Hargeysa Timid

0
478

 

3211Hargasya ( Geeska )-Shirkadda isgaadhsiinta   ee Telesom  ayaa casho sharaf  u samaysay Dr. Stephen Gordon, oo u dhashay dalka Maraykanka iyo xaaskiisa iyo laba kalkaaliye, oo ay shirkadu ka soo kaxaysay dalka Maraykanka si ay hawlo caafimaad oo bilaash ah ugu sameeyeen bulshada Somaliland.

Casho sharaftaas, waxa ka qayb galay guddoomiyaha shirkadda TELESOM Md. Cabdikariim Maxamed Iid, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdi Axmed Nuur, agaasimaha cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii hore Md. Cali Ibrahim Maxamed (Sanyare) iyo saraakiil kale oo ka tirsan TELESOM.

Munaasibaddaas waxaa ka hadlay wasiirkii hore ee qorshaynta Cali Sanyare waxaanu ka soo jeediyay  halkaas khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, waxaanu amaan balaadhan ugu soo jeediyay shirkada Telesom waxyaabaha ay u qabto bulshadeeda, sida oo kale waxa uu u mahad naqay dhakhaatiirtan sida taba ruca ah iyagu ugu hawlgalay cisbitaala weyn ee magaalada Hargaysa.

waxaa iyana madashaas ka hadshay Dheeman Raage oo ka mid ahayd kal kaaliya yaasha la shaqaynaaya Dr.Stephene ee ka soo raacay dalka Maraykanka, waxaanay ka mahad celisay sida ay Telesom dalka ugu soo dhaweysay iyada iyo Dr. Stphen

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Dr Stephene Gorden waxaanu ka warramay  wakhtigan la joogo shaqada uu ka hayo cisbitaalka Hargeysa waxaanu sheegay inay isaga iyo kooxdiisan uu hogaaminayaa
shaqadu ugu socoto sifiican isla markaana ay u wada shaqaynayaan sidii hal koox oo isku shaqo ah “Waa markii Iigu horeysay ee aan Somaliland yimaado waxaanan rajaynayaa inaan mar kalana ku soo laaban doono

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr.Cabdi Axmed Nuur ayaa halkaas  uga mahad celiyey shirkadda Telesom inay fududeeyeen Dr.Stephen iyo kooxdiisa dalka si fiican uga hawl galaan,dhanka kalena a waxa uu sheegay inay bulshada oo dhami ku tiirsan tahay adeegga shirkadda Telesom “dhamaantayo waxaanu ku tiirsanahay shirkadda Telesom,wasaaraddayadu internetka ay ku shaqaysaa waa kan Telesom,lacagahana waxaanu isgugu gudbinaa Zaadka Telesom, hawlaha ay hadda nala soo galeen ee xagga caafimaadka ahna aad baanu ugu faraxsanahay waanan soo dhawaynaynaa”

Dhanka kalana waxa uu soo dhaweeyey markale imaatinka uu Dr Stephene ku yimid Somaliland waxaanu u soo jeediyey inuu Somaliland u noqdo mid uga dooda waddamada kale ee caalamka si wax looga qabto dhibaatada
geerida hooyooyinka iyo caruurta oo uu sheegay inay Somaliland ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ku dhintaan hooyooyinka iyo caruurtu.

sida oo kale masuuliyiinta shirkada Telesom ayaa si diiran u soo dhaweeyay mar kale kooxdan dhakhaatiirta ah ee tabarucaadka dhanka caafimaadka ah ka wada cisbitaalka guud ee Hargaysa, waxaanay shirkadu ku dhiiri galinaysay casho sharaftan kooxdan dhakhaatiirta ah.