Sheekh Aadan Siiro Oo Sheegay In Madaxtooyadu Cid Gaar Ah Ku Wareejinayso Maktabada Gaandi

0
694

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa sheegay in Xukuumaddu ku soo rogaal celisay Maktabadda Gaandi isla-markaana doonayso inay cid gaar ah ku wareejiso halka uu ku yaalo dhismaha Maktabaddu.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dulmigu u leeyahay Aadamaha, ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay diidaan in cid gaar ah la siiyo dhismaha Maktabadda Gaandi ee Magaalada Hargeysa, maadaama buu yidhi ay tahay Maktabadda kaliya ee Hargeysa leedahay.

aaaaaaaaaaaaaaaaa

Sheekha oo soo xiganaya Xadiis laga weriyey Nebigeenna Suuban ee Muxamed (CSW), oo uu kaga hadlayo Dadka u adeegga kuwa Ummadda Dulmiya, ayaa yidhi, “Xadiis Nebiga laga weriyey baa odhanaya ‘waxa iman doona dad u taliya ummadda, kuwaa waxa daboola oo ag-yaaca ama ku xeeran oo Tayga u soo xidha inay Sacabka u garaacaan oo ay wax ka dhigaan, kuwaasi Runta uma sheegaan (Madaxda) ee dadkaa ku wada jecel iyo habeenkii baa lagugu riyoodaa, Dumarkii durbaanka ayay garaacayaan oo adiga ayuun baa laguu heesayaa ayay ku odhanayaan iyaga oo been u sheegaya, markay sidaa leeyihiin Ummad badan bay Xuquuqdoodii dulmiyayaan. Nebigu (CS) wuxuu yidhi qofka kuwaa u gala ee rumaysta beentaa ay Dadka ka iibinayaan ee Dulmiga ku kaalmeeya aniga igama mid aha,  aniguna kama mid ihi, ayuu yidhi Nebigu (CSW).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay Maktabadda Gaandi oo uu tilmaamay in Madaxtooyadu cid gaar ah lagu wareejinayo, “Shalay (Doraad) Khamiistii waxa ila soo hadlay Axmed Yuusuf Ismaaciil oo ah ninka haysta Maktabadda Gaandi, wuxuu igu yidhi waxa Warqad ii keenay nin ka mid ah nimankaa aan ka hadlayo ee Xadiiskuna ka hadlayo ee Hantida Ummadda Magacyada ku samaystay ama u dillaala kuwaa Ummadda dulmiyaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Axmed Yuusuf Ismaaciil waxa ii sheegay in ninkaasi ku yidhi, adeer waad iskaga baxaysaa Dhismaha Maktabadda Gaandi oo Madaxtooyada ayaa la iga soo faray.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu Xusay, “Maktabadda Gaandi waxa ku dedaalay oo dibadda uga yimid Axmed Yuusuf Ismaaciil, laakiin, Cisaabaadka dalka haysta koox ka mid ah, ayaa heshiiyey oo yidhi Hebel ku wanaagsan tahay (Halka Maktabaddu ku taallo) ee waa in laga wareejinayaa Maktabadda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo isbarbar dhigaya Ahmiyadda Dalalka Adduunku siiyaan aqoonta iyo Maktabadaha iyo sida aan Somaliland waxba looga soo qaadin, “Maktabadda ku taalla New York waxa yaalla 55 Milyan oo kitaab, laakiin Hargeysa oo ay ku nool yihiin 3.5 Milyan ayaa Maktabaddii yarayd ee ku taalay maalinba Madaxtooyadu qof u soo direysaa oo la leeyahay meesha hala banneeyo hebel baanu siinaye.”

Dhanka kale, Sheekhu waxa uu cambeerayay dilkii Magaalada Berbera loogu geystay Taliyihii qaybta booliska Gobolka Saaxil, waxaanu ku baaqay in qofkii dila qof kale la qisaaso.