Arrimo Ka Fogaanshiyahoodu Fure U Noqonayo Farxadda Iyo Guusha Shaqada (Q.1)

0
3629

Maamule iyo shaqaale midkii aad tahayba, haddii aad jeceshay in aad guul iyo farxad ka gaadho shaqadaada waxa aan kugula talinayaa in aad dhugmo u yeelato talooyinkan hoose oo uu soo jeediyey qoraaga Todd Nordstrom. Waxaa laga yaabaa in talooyinka qaarkood aad ka gaws adaygto maadaama oo ay kaa joojinayaan ficillo iyo dabeecado laga yaabo in aad caadaysatay, laakiin waxaa hubaal ah in haddii aad guul iyo badhaadhe doonayso ay qasabtahay in aad la timaaddo dadaal dheeraad ah iyo in aad nafta ka celin karto wax badan oo ay jeclaan lahayd.

Maqaal uu Todd Nordstrom ku qoray shabakadda Ink ayaa uu ku sheegay in suurtagal tahay in marar badan wax la’la yaabo ay qofka ku noqoto, marka loo sheego in waxyaabaha yaryar ee aynu samayno badankoodu ay caqabad ku noqon karaan waxsoosaarkeenna, iyo farxaddeenna shaqada. Todd Nordstrom waxa uu intaas ku daray in inta badan ee arrimaha ay shaqaaluhu ku mashquulaan ee ay dadaalka iyo waqtiga badan geliyaan ay yihiin arrimo aan wax xidhiidh ahba la lahayn shaqada laga rabay laftigeeda. Iyo in dhibaatooyinka ugu badan ee shaqaalaha soo wajahaa ay yihiin dhibaatooyin dhinaca xidhiidhada iyo fahamka shaqada ah.

Qoraaga oo arrimahaas ka duulaya ayaa soo jeediyey talooyin uu u arko in qofka ku dhaqmaa uu ka dheefayo guul iyo farxad dheeraadah. Talooyinkaas oo aynu sharraxaado dheeraad ahna raacinnay waxa ay u dhignaayeen sidan:

  1. Ogolaanshiyo ha sugin: Shaqaalaha is ururintu ku abuurantahay, ama dareenka khajilaadda iyo il nugaylku ku badan yahay, inta badan natiijo fiican ma’ gaadhaan, hawlo badan oo ay guul ka gaadhi lahaayeenna waxaa ka hor istaaga inta ay sugayaan in loo diro ama fasax loo siiyo.

Waa in ay iska joojiyaan sugitaanka fasaxa iyo ogolaanshiyaha, oo ay iyagu isdiraan, si ay u muujiyaan awooddooda, kartida ku jirta iyo fikirkadahooda dhammayskatiran ee shaqada wanaajinaya.

  1. Qofna ha u ogolaan in uu xiisahaaga dilo: Waxaa hubaal ah in shaqada ka shaqayso aad bilowday adiga oo aaminsan in aad kaalin muhiim ah ka qaadan karto iyo in aad raad muuqda kaga tegi karto. Laakiin sida caadiga ah waxaa shaqo kasta aad kula kulmaysaa jaal iyo saaxiibbo shaqadooduba tahay in ay ku niyad dilaan iyo in ay kaaga warramaan sida aanu dadaalkaagu midho dhal u noqonayn, ama ugu yaraan aanad garawshiyo ugu helayn.

Iska jir in aad dhegeysato. Weligaa qofna ha u ogolaan in uu dilo kalsoonida iyo iimaanka aad naftaada ku qabto.

  1. Ha ka quusan qofka qallafsan: Meel kastaba waxaa jooga dadyow uu la dhaqankooda iyo macaamilkooduba kakan yihiin. Marar badan qallafsanaantoodu waxa ay qofka ku beertaa niyadjab iyo in uu ku fikiro sidii uu faraha uga qaadi lahaa la macaamilkooda iyo la shaqayntoodadba. Laakiin adigu sidaas ha yeelin. Noqo dulqaad, garawshiyo, deeqsinimo iyo anshaxwanaag badan.

Dadkani waxa ay ku yeeli karaan waxaa ka badadn waxa ay ku tarayaan. Waxa aad ka baranaysaa casharrada ugu fiican ee kaa dhigi kara hoggaanshe wanaagsan, ama shaqaale lagu hirto. In aad inta xun wadi karto, la macaamili karto, shaqada idinka dhexeysana aanad joojinin waa calaamad muujinaysa in aad leedahay hibo hoggaamineed iyo daacadnimo shaqo.

  1. Dab ha ku ciyaarin: Waa in aynu gaar uga istaagno dadka lagu yaqaanno in ay dadka isku faruuraan, oo teedadka bulsho, da’ aqoon, dhaqan iyo darajo inta ay laalaan dadka oo dhan isku fura, ama dadka caanka ku ah cadow samaynta iyo in ay si aan anshaxa ku fiicnayn u dhaqmaan. Ka fogow, kuwan iyo kuwo kasta oo aad ogtahay in ay sumcaddaada dhaawac gaadhsiin karaan ama in ay shaqaalaha iyo masuuliyiinta iska kiin horkeeni karaan.
  2. Qabo in ka badan inta aad ballanqaaddo: Waa waajib in ballan kasta oo aad qaaddo aad u fuliso sida aad u qaadday, ama aad sharraxdo sababta aad u fulin kari weyday, raalligelin iyo cudurdaarna siiso ciddii ay saamaynaysay oo dhan. Laakiin ogow in ballanqaadku uu mar kasta yahay culays ku saaran oo khatar gelin kara qofnimadaada iyo mansabka aad joogto, sidaa awgeed ha ku degdegin in aad qaaddo ballan. Hubi ballanta aad qaadayso in aad fulin karto. Kana faa’iidayso halkudhegga carbeed ee yidhaahda, “Samee wax ka badan waxa aad hore u ballanqaadday” oo looga jeedo in marka hore ballantaadu ay noqoto mid ka yar inta aad run ahaan qaban karto, kaddibna marka dambe aad qabato intii aad qaban karaysay oo dhan. In aad qabato wax ka badan wixii aad ballanqaadday, waxa ay kuu abuuraysaa niyadwanaag iyo in jacayl iyo xushmad gaar ah aad kasbato.

Intaasba waxaa ka sii fiican in aanad waxba ballanqaadin, balse aad fuliso waxa aad qabanayso, kaddibna dhammaystireeda iyo midhaheeda uun lagu warhelo. Ha isku mashquulin in aad ka sheekayso waxsoosaarka ama mashruuca aad qaban karto, laakiin ku mashquul in aad shaqada bilowdo, oo sida ugu fiican u fuliso, kaddibna midhaha tusto dadka.

  1. Ha ka fikirka halka u dambaysa ee aad gaadhayso, balse ka fikir in aad u socoto jihadii saxda ahayd: Waxa aad ogaataa in dhammaystirnaanta iyo wanaagga buuxaa ay yihiin bartilmaameed fog oo gaadhistiisu dhib badantahay. Waxaa muiim ah in aad ku socoto jihada saxda ah, laakiin qasab ma’aha in aad gaadho dhammaystiraan buuxda.

Mar kasta waxa aad haystaa fursad sii wanaajin iyo horumarin aad ku samayn karto, sidaa awgeed, waqti ha ku lumin in aad mar keliya gaadho halka u dambaysa, balse waqti ku lumi in aad hubiso in jidka aad haysaa yahay kii aad ku gaadhaysay guusha iyo bartilmaameedka u dambeeya. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here