Arrimo Dhalinyaronimada Lagu Dayaco Oo Waayeelnimada Laga Qoomamoodo (Q:2aad)

0
611

Hargeysa (Geeska)- Waa  Qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika ku eegayey dhowr arrimood oo ah kuwa ugu badan ee uu qofku dayaco inta uu awoodda u leeyahay, xilliga gabowgana uu ka qoomamoodo in aanu sidii saxda ahayn u gelin.

3. Dadka kale raalligelintooda: Waa ay fiican tahay in aad ku dadaasho qaddarinta iyo ixtiraamka bulshada kugu xeeran iyo in aad intii awooddaada ah raalli geliso, laakiin mar kasta niyadda ku hay in raalligelinta aadamuhu ay tahay hiigsi aanay abidkiiba cidi gaadhin. Waxaa iyaduna waajib ah in qofku uu garwaaqsado in qaddarinta iyo ixtiraamka uu mudan yahay aanu dadka kale ka wada helayn ama ugu yaraan aanu helayn cid u qaddarisa sida uu isagu naftiisa u qaddarinayo, arrimahaas oo qofku uu yarida ku kala fahmi waayaana waxa ay qasab ka dhigtaa in hadhow marka uu weynaado uu qoomameeyo, tusaale ahaan noloshiisa oo uu dhantaalay qof kale raalli gelintiisa awgeed, ama arrimo uu fulin karayey oo uu cid kale ku raalli geliyey fulin la’aantooda.

4. Hawl aad qaban karaysay oo aad dib u dhigatay: Adduunyada aynu ku noolnahay waqtigeedu sida hillaaca ayaa uu u socdaa, dibna uma soo noqdo. Waqtiga barakadiisuna waxa ay ku xidhan tahay hadba sida aad uga faa’idaysato, sidaa awgeed ha sugin waqti barakadiisu tahay in uu gaadho xilli uu kaa badato oo hawlahaaga iyo ka badanba aad waqti iyo fursado u heli karto.

Waxa aad ogaataa in nafta aadamuhu aanay marnaba waayin wahsi iyo in ay mar kasta raadiso marmarsiinyo ay kaga baaqato hawlaha u yaalla, laakiin ogow in hawsha berri aad u dhigatay ay arrimo badani ka sokeeyaan. Haa, wadka ayaa ugu weynba. Waxa ugu weyn ee uu qofku ka qoomamoodo marka uu 50 sano jir dhaafaana waa fursadaha uu dayacay intii uu waqtiga iyo xoogga u heli karayey.

5. Fursado badan oo aad dayacday: Cabsida ay dadka badankoodu ka qabaan in arrin ay qof ka doonayeen loo diido, ama in hawl ay ku fashilmaan ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee hawlaha muhiimka ah uu uga baaqsado, laakiin waxaa hubaal ah in marka uu hadhow weynaado uu qoomamayn doono cabsidii aan caqliga ku dhisnayn ee ka baajisay hawlo uu midhahooda isagu u aayi lahaa ama dabadii dunida looga sii aayi lahaa.

Inta aad xoogga tahay da’duna ku saacidayso ha ka waaban shaqo culays kasta oo ay leedahay iyo khatar kasta oo ay fashilaad u tahayba, xitaa haddii aad mararka qaarkood yara dareemayso in ay kaa yara mustawe sarrayso go’aanso in aad hawshaas u badheedho aqoontaada ku aaddanna sii dhisto oo aad kobciso si aad uga soo baxdo waajibaadkaaga shaqo.

6. Fiicanaan lahaydee in aad hawshaa sii waddo: Qodobkani kaa hore xidhiidh weyn ayaa uu la leeyahay, xitaa haddii aad leedahay ku dhac iyo dhiirrasho aad leedahay, haddana guuldarro mararka qaarkood kugu timaaddaa waalama huraan, guuldarradana waxaa ku lammaan murugo iyo niyadjab, laakiin qofka geesiga runta ah ee guulaystaa waa ka soo hadha raadkaas ka dhashay guul darrada. Guuldarrada u qaado in ay tahay uun turaan-turro balse aanay ahayn kufniin kaa reebaya sii wadista hawlahaaga.

Noqo hadhi-waa aan ka daalin daba socoshada himiladiisa xitaa haddii ay ku adag tahay, ma dale noqo oo mar kasta oo aad turaan-turrooto kac oo socodka sii wad, haddii kale marka aad weynaato u diyaar garow qoomamo iyo in aad is-ciil-kaambido.