Arrimaha Xiisaha Badan Leh Ee Ay Ragga Iyo Dumarku Abuur Ahaan Aad Ugu Kala Duwan Yihiin

0
596

Hargeysa (Geeska)- Akhriste, Weli ma ka fakartay faraqa iyo kala duwanaanta dhinaca abuurka ah ee u dhexeeya ragga iyo dumarka?! Haddii ay jawaabtaadu ‘HAA’ tahay, wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta kuu hayaa jawaabta su'ashaas, waxaanu cadadkiisan maanta kuugula wadaagayaa daraasad cilmiga noolaha ah (Biology) oo ka waramaysa qodobbo xiise badan oo ay aad ugu kala duwanyihiin ragga iyo dumarku.

– Ilmuhu marka uu ku abuurmo caloosha hooyadii lixda usbuuc ee ugu horreysa waa dhedig.. lixdaa usbuuc kadib ayaa haddii wiil uu noqonayo, ay firfircoonaadaan hidde sidayaasha (Genus) Labnimo, waxa aanu si cad isugu luga dudaa Lab.

– Culayska Maskaxda Ninku waxoogaa ayaa ay ka culus tahay maskaxda gabadha, laakiin khubaro badan oo cilmiga nolosha ku takhasusay ayaa sheegaya in culayskaa ay maskaxda raggu ka culustay ta dumarku in aanu macnaheedu ahayn in ay raggu ka maskax badan yihiin dumarka.

– Gabadhu waxa ay ragga uga awood badan tahay in ay fasirto, akhrido waxna ka fahamto muuqaalka iyo xarakaadka ama ishaarooyinka indhaha iyo guud ahaan wejiga qofka, waxa ay sidoo kale ragga ay abuur ahaan kaga awood badan tahay in ay dusha ka fahamto inta badan dareennada qofka gudihiisa ku jira sida, Jacaylka, Nacaybka, khajilaadda, baqdinta iwm.

– Waxa ay culimada Saynisku xaqiijiyeen in gabadhu ay ninka kaga fiican tahay barashada ku takhasusidda maaddooyinka cilmiga ah (Sayniska), halka uu ninkuna kaga xariifsan yahay gabadha maaddada xisaabta. Waxaa intaas dheer in gabadhu ay ninka kaga horreyso barashada luuqadaha.

– Gabadhu waxa ay kartaa in ay si fudud uga cudur daarato ama raalli gelin uga bixiso khaladka ay qof ka gasho, marka ay raalli gelintan bixinaysana waxa ay iska ilaalisaa Kibirka iyo isla weynida, halka uu ninku inta badan isaga oo raalli gelin bixinaya haddana aanu ka tegin kibirka iyo isla weynida, waxa intaas u dheer in Aanay raggu jeclayn ka cudur daarashada khaladkiisa. Laakiin haddana waxa aad xisaabta ku darsataa in gabadhu ruuxa ay ka raalli geliso qaladkeedu uu yahay uun qof ay doonayso in aanay kala go’in ama haddii aynu si kale u nidhaahno ay aad u jeceshay, mid kale se maya.

– Arrinta kale ee xiisaha lihina waxa ay tahay in climibaadhis lagu ogaaday in ninku aanu inta badan jeclayn in gabadha uu siiyo fursad ay ku hadasho, haddii ay hadlaysana uu ka dhex galo marar badan.

– Tirada dumarka jecel Muusigu waa ay ka badan tahay ragga jecel muusiga.

– Gabadhu waxa ay hurdada ka baraarugtaa habeenkii in ka badan ninka, riyooyinka xun xunna gabadha ayaa ku badan.

– Boqolkiiba 48 ka mid ah ragga dunida ayaa khuuriya, halka tirada dumarka khuuriyaa ay ka tahay boqolkiiba 22 keliya.