Aroos Ay 400 Oo Qof Kaga Qaybgaleen Muuqaallo Toos Lagu Gudbinayo Facebook Iyo Baraha Kale Ee Internet Ka

0
612

Diego Aspitia iyo Sofia Cuggino waa lammaane u dhashay dalka Argentina oo muddo hal sano ah isu doonanaa. Waxa uu qorshahoodu ahaa in ay aqal galaan 26-kii bisha March 2020 ka, waxa aanay diyaariyeen qorshihii arooska iyo tirade ka qaybgalayaasha oo ay ku talagaleen 400 oo ehel iyo asxaab ahi. Nasiibdarro laba maalmood ka hor qabsoomiddii xafladdooda ayaa ay dawladda dalka Argentina soo saartay go’aan ay ku xakamaynayso faafitaanka cudurka Coronavirus oo dadka ku amraya in aanay guryaha ka bixin iyo in aanay isugu iman munaasabado.

Lammaanahani waxa ay go’aansadeen in aanay dib u dhigin qabsoomidda xafladdooda arooska, laakiin ay wax ka beddel ku sameeyaan qaabka ay u dhacaysay si ay u waafajiyaan duruufaha soo kordhay. “Aroosku waxa uu ka mid yahay dhacdooyinka ugu muhiimsan ee nolosha aadamaha. Arrin fududna nooma ay ahayn in aanu go’aansanno joojinta arooskayaga. Laakiin waxa aanu dhinac iska dhignay riyadayadii, waayo sidaas ayaa ay danta wadartu ku jirtaa” ayaa uu yidhi arooska Diego oo 42 sano jir ahi.

Qorshaha cusub ee arooska lammaanahan oo marka hore dani ku badday ahaa, laakiin marka dambe noqday arrin xiiso leh oo hadalhaynteedu adduunka ku faaftay, waxa uu noqday in lammaahan iyo sawir qaade keliyi ay guriga arooska tagaan, kaddibna munaasabad maqal iyo muuqaal ahaan toos Facebook iyo Instegram ugala socdaan dhammaan dadkii ka soo qaybgeli lahaa.  Salaanta, heesaha, kaftanka iyo ciyaarta ayaa uu qof kastaa si toos ah ugu soo gudbinayey madasha tooska ah ee arrooskan looga sameeyey baraha bulshada ee Facebook iyo Instegram.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here