Wasiirka Ciyaaraha Oo Furay Tartan Ku Saabsan Ka Hortaga AIDS

0
637

Hargeysa (Geeska)-Tartan kubada cagta oo ku saabsan wacyigelinta iyo ka hortaga Cudurka HIV AIDS ayaa ka furay Magaalada Hargeysa.

Tartan oo dhexmaraya Lix kooxood oo ka mid ah kooxaha Degmooyinka Magaalada Hargeysa ayaa waxa si rasmiya looga furay Garoonka casirga ah ee Peps Stadium, waxaana tartan maalgalisay Hay'adda UNFPA.

 Munaasibadii furitaanka Tartankan oo Shalay lagu qabtay Garoonka Peps Stadium ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Cabdilaahi Khayre Cawaale (Gacal), Xoghayaha Xidhiidhka Kubada Cagta Sacad Maxamed Shire Mulkiilaha Garoonka Pepsi Stadium Marwo Nuura Xuseen Dhalaax, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqul Isaanka Qaranka Marwo Fadixya Xuseen Axmed, Axmed Cabdi Jaamac oo ka socday Hay'adda UNFPA, Kooxaha Tartanka ciyaaraha iyo dadweyne aad u tiro badan.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Cabdilaahi Khayre Cawaale (Gacal),oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa ka war bixiyey muhiimada uu tartankani leeyahay waxaanu yidhi "Runtii aad ayaanu ugu faraxsan ahay in xidhiidhka kubada cagtu uu ka soo qayb galo Xafladan quruxda badan ee galabta lagu furayo Tartankan ay ujeedadiisu tahay sidii ay dhalinyaradu isku dhex geli lahaayeen, kooxahani waxa ay ka kooban yihiin lixda degmo ee caasimadda ujeedadiisuna waxa weeye wacyigelin ku saabsan xanuunka khatarta ah ee HIV AIDSka iyo Tahriibka, runtii aad iyo aad ayaanu ugu bogaadinaynaa Hay'adda UNFPA oo tartankan maalgalisay aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa".

Axmed Cabdi Jaamac oo ah Masuul ka tirsan Hay'adda UNFPA oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi "Waxa runtii amaan mudan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ilaa Wasiirkii ilaa Agaamihii ay Dhalinyaradii kala qayb galayaan farxadaas ay kubada ciyarayaan, isla markaana loo raacinayo wacyigelin ku saabsan cudarada dhibaatada badan ku haya Dhalinyarada sida HIV AIDSka oo kale, runtii amaan ayey mudan yihiin waxayna taasi muujinaysaa inay mar walba garab taagan yihiin Dhalinyarada heer kasta ha taagnaadeena, Dhalinyarada wareegan loo qabanaaya waxa ay u dhexeyaan da'doodu 14-jir ilaa iyo 19-jir, waana qayb ka mid ah in Dhalinyarada la dhiirigelinayo anaga Hay'ad ahaan UNFPA mar kasta diyaar ayaanu u nahay in aanu Wasaaradda la shaqayno isla markaana si gaar ah ula shaqayno Dhalinyarada, runtii war badan ma hayaan wacyigelin badan ayey u baahan yihiin"

Najax Cismaan oo isna ku hadlaayey magaca Mulkiilaha Garoonka Peps Stadium, ayaa sheegay inuu Tartankani yahay mid aad u qiimo badan, wasaaraddana waxa uu u soo jeediyey amaan balaadhan

Guddoomiyaha Xuquuqul Isaanka Qaranka Marwo Fadxiya Xuseen Axmed oo iyana Munaasibadaas ka hadlay ayaa Hay'adda UNFPA ugu mahadnaqday Tartankan, waxa kale oo ay amaan aad u balaadhan u soo jeedisay Marwo Nuura Xuseen Dhalaax, oo ay ku amaantay Garoonkan ay hirgalisay, oo ay sheegtay inay tahay Gabadh Dhalinyarada kana farxisay, isla markaana ay ku dayasho u baahan tahay, waxa kale oo ay soo jeedisay in aan la qaban oo qudha tartan ku saabsan wacyigelinta AIDS-ka ee sidoo kale la qabto Tartano ku saabsan wacyigelinta khatarta Tahriibka iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa xog waramaya qiimaha uu tartanku leeyahay, waxa uu mahadnaqay Hay'adda UNFPA iyo Marwo Nuura Xuseen Dhalaax, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan "Waxa farxad noo ah in Garoonka Pepsiga aanu ku qabano Tartan Dhalinyarada aanu kaga wacyigelinayno waxyaabaha aan dhaqankeena ku fiicnayn oo keena cuduro aafo ah sida AIDS-ka oo kale, inay Dhalinyaradu kula dagaalaman oo ay murqooda iyo dadaalkooda galiyaan inay ciyaaro helaan oo ay Wasaaraaddu fulinayso iyo Hay'adda UNFPA oo uu ka wakiil yahay Axmed Jaamac, Tartankan waxa ka qayb galaya lix kooxood, waxay ka kala socdaan Xaafaha ama Degmooyinka Hargeysa, waa lix kooxood oo dhalinyaro ah oo u badan da'da 14 ilaa 18, waxa aanu ku tala jirnaa in aanu tartamada joogtayno oo Garoomada gaarka loo leeyahay noocan oo kale ah ee qaadi karaya in Ciyaaro lagu qabto aanu ku dhiirigelin gali si aanay uga niyad jabin oo aanay Ciyaaruhu gadidii cadayd aanay uu noqonin, Wasaaraddu waxay mar walba ka shaqaynaysaa horumarka dhalinyarada iyo sidii ay Dhalinyaradu isku dhex gali lahaayeen" Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Hay'adda NFPA ee Tartankan Wacyigelinta ka hortaga Cudurka AIDS ka qabatay waxa kale oo uu aad ugu mahadnaqay Marwo Nuura Xuseen dhalaax, oo uu sheegay inay tahay Haweenay mudan in lagu daydo, oo horumarka dhalinyarada qayb libaax leh ka qaadatay madaama ay hirgelisay Garoon casriya .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye  ayaa dhanka kale waxa uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan ay mar walba ku dadalayaan inay Ciyaaraha horumar balaadhan u horseedaan,  waxaanu xusay in Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), inay ku dadaashay horumarka Ciyaaraha, waxa kale oo uu dhalinyarada ugu digay khatarta cudurada faafa sida AIDSka Tahriibka iyo muxaadaraadka,waxaanu ku booriyey inay dadaalan.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramaya faa'iidada iyo waxtarka uu tartankani leeyahay, waxa uu Hay'adda UNFPA uga mahadnaqay sida ay Tartankan u maalgalisay, waxaanu Marwo Nuura Xuseen Dhalaax ku amaanaya sida wanaagsan ee ay Garoonkan u hirgalisay, iyo doorka ay ka qaadatay horumarka Ciyaaraha, ugu dambayntiina Wasiirka ayaa si rasmiya Tartankan u furay.

liixda Kooxood ee Tartankan ka qayb galaya ayaa waxa ay kala yihiin Xawaadle, Sheekh Madar, Ibraahim Koodbuur, Maxamuud Haybe, Lama Filaan iyo Holac, waxaanu tartankani soconaya mudddo dhan shan cisho