Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacadda New Generation Oo Xaflad Loogu Qabtay Xarunta Midowga Afrika

0
627

Picture3Addis-Ababa(Geeska)- Munaasibad balaadhan oo ay ku qalinjabinayeen Difcadii Saddexaad ee ka qalinta jabisa Jaamacada New Generation qaybaheeda Hargeysa iyo Adisababa ayaa lagu qabtay Xarunta Midawga Afrika ee Magaalada Adisababa.

Munaasibadani qalinjabinta ayay ka qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Somaliland, iyo Ethiopia, Agaasimaha Guud ee Arimaha Afrika ee Midawga Afrika Selomon ababe, Doctor Yones oo ku hadlayay afka Gudoomiyaha Guud ee Midawga Afrika, Safiiro, Agaasimayaaal, Gudoomiyaha Guud Jaamacadaha New Generation Mathios Kichile Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada New Generation ee qaybaheeda Addis ababa iyo Hargeysa.

Gudoomiyaha Jaamacada New Generation Mustafe Alkhaliili oo ka ka hadlay halkaasi ayaa sheegay inay difcadii saddexaad oo ay qayb ka yihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumada kuwaasi oo dhamaystay Culuumta la xidhiidha Siyaasada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computerka isagoo u mahadnaqay dhamaan masuuliyiin ka soctay Somaliland, kuna amaamay siday u dhiirigalinayaan Waxbarashada, waxaanuu yidhi “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa Masuuliyiinta uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee nagala soo qayb galay Munaasibadan qalinjabinta difcadii saddexaad ee ka qalinjabisay jaamacada New Generation, kuwaasi oo bartay Culuumta Siyaasada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo Computer-ka, waxaanan ugu talo galnay inay dhiirigalin u noqoto ardayda wax ka barata jaamacada New Generation, Waxaanan ku amaanayaa masuuliyiinta nagala soo qayb galay siday u dhiirigalinaya waxbarashada iyagoo safarkaasi dheer u soo maray inay ardaydooda kala qayb qaataan Munaasibadan qalinjabinta”. Waxaana uu sheegay in ay NEW GENARATION UNIVERSITY tahay safiir Somaliland qadiyadeeda gaadhsiiya meel kulmisa Dawladaha Africa Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay C/casiis Maxamed Yuusuf oo isaguna ka mid ahaa dadkii aasaasay jaamacada, waxaana uu hambalyo u diray ardaydaasi qalinjabisay waxaana uu yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa Ardaydani qalinjabisay, waxaanan ugu talogalnay inay ardaydu wax ka bartaan Midawga afrika iyo araydooda kale ee ka qalinjabisay jaamacada Adisababa” Maamulka Guud ee Jaamacada New Generation ee Ethiopia oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay Somaliland iyo Jaamacada Ardaydaasi ay soo saareen iyagoo u balanqaaday inay qaybaha kale ee Master-ta ay gaadhsiin doonaan Hargeysa, waxaanan hambalyo u direen dhamaanba ardaydaasi qalinjabisay. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ardaydani qalinjabisay, waxaana uu ku amaanay jaamacada New Generation xoojinayaan wada shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia “Waxaan amaanayaa Jaamacada New Generation kaalinta ay kaga jirto dardargalinta waxbarashada Somaliland iyo isku xidhka labada dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland, waxaanan hambalyaynayaa ardayda qalinjabisay” Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyay ardaydani isagoo xusay inay dareen xoog leh muujinayso ardaydani ku qalinjabinaysa xarunta AUd-da “maanta waa wax wayn Ardayda Somaliland ee ku qalinjabinaysa jaamacada New Generation, waxay muujinaysaa walalnimada ka dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, waxaanay hormood ka noqon doontaa arintani inay Somalil.and ictiraaf ka hesho beesha caalamka”. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhamaanba ardayda jaamacada New Generation ee qalinjabisay isaga oo ku amaanay jaamacada kaalinta ay kaga jirto waxbarashada Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismacil Saylici oo soo gabogabeeyay munaasibada ayaa hambalyo u diray ardayda qalinjabisay “Waxaan hambalyo u dirayaa Ardaydani qalinjabisay ee ku sugan xarunta Midawga Afrika, waxaa rajaynayaa inay jaamacada New Generation ay hormood ka noqon doonto xidhiidhka Midawga Afrika iyo Somaliland, waxaanan ku amaanayaa jaamacada New Generation inay noqotay Jaamacada Kaliya ee ardaydeed ku qalinjabiyeen Xarunta Midawga Afrika.”