“Cali Khaliif Kale Oo Halkan Edeb-darro La Wareega Looma Baahna, Ee Waxa Loo Baahanyahay Nin Cali Eryada”

0
626

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho, oo ka mid ah Golaha Guurtida, kana soo jeeda  Gobolada Barri, ayaa ka hadlay khilaafkii iyo muranadii maalmihii ugu dambeeyey u dhexeeyey Wasiirka Caafimaadka iyo Xildhibaano ka tirsan Wakiilada oo ka soo jeeda Goboladaas oo khilaaf xoogani ka dhexeeyey, waxaanu si toos ah u difaacay Wasiirka Caafimaadka, oo hadda ku sugan Buhoodle,  waxaanu sheegay in aan loo baahnayn nin iska hadla ee loo baahan yahay nin eriyada oo wax ka qabta Cali Khaliif Galaydh.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho indho ayaa sidoo kale ka hadlay Cali Khaliif Galaydh oo uu ku baaqay inay Ciidanku ka saari doonaan Degmada Balicad oo uu sheegay inuu ku sugan yahay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Magaaladda Buuhoodle ayay in carqalad ahi ka jirtay, Ciidamadii qarankuna meel Balicad la yidhaa ayay eryanayaan Ninkaas Cali Khaliif, Ciidanka qaranka iyo Wasiirka Caafimaadka ayaanu arrintaasi ku amaanaynaa, Madaxweynaha iyo Xukumaddana waanu ku amaanaynaa” .

Xildhibaan  Cabdiqaadir Indho-indho ayaa  isaga oo hadalkiisi sii wata ayaa yidhi “Kuwa ka daba qaylinayana waxaanu leenahay adeer mid ka daran Cali Khaliif ka aanu eryanayno oo meelahan iska fadhiya looma baahna. Wadankan in doorasho ka dhacdo oo wixii meelahaas ka yimid ee fidno wada laga eryo ayaa loo baahan yahay ee in la is xasaradeeyo looma baahna. Waxa loo baahan yahay shaqo iyo in nin waliba degaanka uu ka soo jeedo ku fillaado, Adeer Cali Khaliif Kale oo halkan edeb daro la wareega looma baahna, nin Cali Khaliif Eryada ayaa loo baahan yahay, Cali Khaliifka halkaas jooga mid ka daran oo halkan jooga oo ninkii wax qabanayay eryada looma baahna. Siyaasiyiinna maaha ee waa saaqidiin, waxaan dibin daabyo ahayn lama joogaan,”