Qaraxyo Shalay Iyo Xalay Ka Kala Dhacay Muqdisho Iyo Kismaayo

0
644

Picture2Muqdisho(Geeska/w.Wararka)-Waxaa xalay fiidkii uu qarax xoogani  ka dhacay magaalada Muqdisho ee Somaliya , gaar ahaan isgoyska hoteelka lagu magacaabo Jubba oo ay ku sugnaayeen dad badan.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walqaxa qarxa, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dhashay inkastoo wararka laga helayo goobta  ay sheegayaan in dad badan ay ku dhinteen qaar kale ay ku dhaacmeen qaraxaaasi. Waxaa inta badan isticmaala isgoyska Jubba gaadiid farabadan oo isugu jira kuwa  shacabka, ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya. Geesta kale, Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay tiro Kalena wey ku dhaawacmeen qarax kale oo ismiidaamin ah oo shalay barqadii  lala beegsaday Xerro ay deganaayeen ciidamada Dowladda Somalia ee Maamulka KMG ah ee Jubba oo ku taala magaalada Kismayo.Qof wata  gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa weeraray xerada tababarka ciidamada ee Kismaayo.

Warar ku dhow dhow halka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegaya in laba ka mid ah tababarayaasha Ciidamada Amisom oo xeradaa ku sugnaa ay ka mid ahaayeen dadka weerarka ku dhintay. Warar kale oo laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qof weerarkan geystay uu ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubba. Barta Twitterka ee Amisom ayaa lagu soo qoray in sadex ka mid ah tababarayaashooda ay ku dhaawacmeen weerarka.