10 Qodob Oo Uu Ninku Ku Garan Karo Gabadha Aan Ku Habboonayn In Uu Qoys La Wadaago (1) Diyaariye Kamaal Axmed Cali

2
1178

 

20080115muslim women1Hargeysa (Googooska Geeska)- Lama dhayalsan karo ereyadii hal-abuurkii Ingiriis William Shakespeare ee ahaa, “Jacaylku waa uu indho la’ yahay… dadka uu haleelaana awood uma laha in ay si fiican wax u arkaan” waa fikir ay aaminsan yihiin dadka dunida ee kala dhaqanka iyo aaminsanaanta ahi, waana sababta in badan ay u dhacdo in marka uu jacaylku labada dhanba si aad ah uga yimaaddo in anau sida ugu quruxda badan qoyskaasi u dhismin ama in is fahmi waa badani lammaanaha soo dhex galo.

 

Qormadeenan maanta waxa aynu ku soo bandhigaynaa toban qodob oo ay khubarada cilmiga bulshadu kula taliyeen in uu ka fikiro nin kasta oo gabadh calmadaa, waxa aaay kala yihiin:

1. Tagtadaadii ha ka qarin: Rag badan ayaa ka taxaddara in ay gabadha uga warramaan taariikhdooda hore iyo waxa ay soo mareen qaladaad iyo dhibaatooyin, waxayse khubarada cilmiga bulshadu ku talinayaan in ninku aanu gabadha ka qarin qaladaadkii uu hore nolosha uga soo galay, xataa kuwooda la xidhiidha jacaylka iyo xidhiidhada dumarka, shaqadiisa iyo arrimaha kale ee bulshada. Waxaa muhiim ah in ninku marka uu gabadha arrimahan uga warramayo uu si toos ah u eego indhaheeda, haddii uu arko in qisaska siraha iyo qiraalka isugu jira ee uu ka warramayaa aanay wax saamayn ah oo murugo ama khajilaad ah ku keenayn, waxaa muhiim ah in uu aad uga taxaddaro nolol uu gabadhaa la wareego waayo waxaa ka muuqda in aanu haba yaraato hadda iyo mustaqbalka midna taageero iyo garabsii ka heli doonin.

2. Haddii gabadhu ay tawaawac badan tahay ama ka cabanayso tallaabo kasta oo uu qaado, ama ay tahay qof aan si dhayal ah ku illaabin gefefka yaryar ee dhaca, waxaa muhiim ah in uu garwaaqsado in aanay ahayn gabadhii ku habboonayd.

3. Iska jir gabadha jecel in ay talada ninka maroorsato: Sida ay ragguba u leeyihiin kuwo jecel keli-talisnimada oo madax adag, ayaa waxaa jira dumar mar kasta doonaya in ay iyagu la gaar noqdaan go’aamada iyo talada qoyska, ninku waa inuu ogaado in talada gurigu u baahan tahay deggenaan iyo wada tashi, sidaa awgeed haddii ay gabadhu fara maroorsato waxa uu filan karaa burbur, waxaa la mid ah gabadha cadhada badan. Labadaba ninka waxaa u fiican in uu ka fiirsado guurkooda.

4. Hinaase xad dhaaf ah: Hinaasuhu mid ka mid ah tiirarka uu jacaylku ku dhisan yahay, waxase uu noqon karaa hub burburiya qoyska, gaar ahaan marka uu xadka ka baxo ama shakigu ku lammaan yahay, gabadha hinaasaha badani waxa ay ninka ku kallifi kartaa in uu bulshada ka go’o si uu iyada u qanciyo, waxaanu mar kasta ku jirayaa difaac iyo in uu iska fogeeyo eedo shaki oo kaga imanaya, sidaa awgeed ninku haddii xilliga barashada ee hore gabadha ku arko hinaase aad u badan waxaa fiican in uu halkaa ku joogtsado. La soco…

Comments are closed.