“Saleebaan, Dawladdii Cabdiraxmaan Xabad Buu U Qaatay, Ina Cigaal Iyo Rayaale-na Wuu La Dagaalamay, Waa Su’aale Tan Axmed Siilaanyo Muxuu uga Aamusay”

1
2620

Picture6Hargeysa(Geeska) – Gudoomiyaha Madasha Wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa khalad ku tilmaamay  gudoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamed Aadan  ku eedeeyay inuu ku qaldanaa inuu shirka wada tashiga ka hor yimaado, waxaanu ku dhaliilay in uu waligii ku baaqi jiray shir beeleedyo, isla markasna dagaal toos ah iyo mid siyaasadeedba uu kula soo dagaalamay madaxweynayaashii kala duwanaa ee Somaliland ka soo taliyay.

Sida oo kale gudoomiyahu waxa uu dhacdo fool xun ku tilmaamay weerarkii lala beegsaday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muj.Maxamed Kaahin Axmed,waxaanu xukuumada ku dhaliilay in aanay wax muuqada ka qaban is weerarka soo badnaaya.

Waxa uu sidan ku sheegay Mu.Xasan Guure waraysi gaar ah uu siiyay wargeyska Geeska Afrika. Waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya weerarkii Muj.Maxamed Kaahin la’la beegsaday uu yidhi “In magaaladda badhtankeeda hadh cad xabad la soo qaato laysku dayo in laysku dilo aad iyo aad ayay u xuntahay,Maxamed Kaahin oo kale waa nin birma-gaydo umaddan ku leh, isaguun maahee cidii kasta ee ay arintaas ku dhacdaa waa mid aad iyo aad u fool xun, alle waxaynu ugu mahad naqaynaa in uu ka badbaadiyay, waxayse ka mid tahay waxyaabaha baryahan inagu soo badnaaya.Waxaynu odhan jirnay dhaqaalaheena inta u badan waxa uu ku baxaa nabadgalayda,intii dawladani timi waxa dhacaaya falal layaab ah, waxa inagu bilaabmatay argagaxisonimo inta afka la soo duubto sidii wargeyska Hubaal ku dhacday in waxa la weeraro, waxaynu ogayn weerarkii xildhibaan Qabiile iyo tan maanta taagan, arimaas hadii tii ugu horaysay wax laga qabto waxaan is leeyahay waa laga joogsan lahaa. Mar waxay ka imanaysaa dadka iyad  jabka ku dhacay iyo kala daadsanaanta, ta ku xigtaana waa wax ka qabsho la’aan maamulka hada.”

Gudoomiyaha madasha wada tashiga Muj.Xasan Guure oo aanu waydiinay aragtidiisa  in xukuumaddu ugu danbayntii mar kale ka hortimi shirka ay qaban qaabinayaan xisbiyada mucaaradka ah waxa uu yidhi “Dawladaha xun xun oo dhan waxay neceb yahiin dimuqraadiyada waxan la yidhaahdo iyo in talada la wada yeesho, anagu markaanu arinka ku dhawaaqnay waxan maanta taagan oo kale ayaanu aragnay oo aanu lahayn ha laga wada hadlo, waanad ogaydeen siday u diideen, maantana waa tii teedii uun. Markii ugu horaysay waxay yidhaahdeen magaca baddala, waanu badalnay oo magaca umaanu jeedin, sharci ma tihidine maxaad xisbiyada ugu dhiibi waydeen ayay hadana yidhaahdeen, in ay arintani qabsoonto ayuunbaanay ogalayn taasina waa talo maroorsi, dalkan hadhaw halis ayay galin doontaa.”

Gunaanadkii waraysigan uu Geeska Afrika la yeeshay guoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Muj.Xasan Guure Jaamac, waxa  aanu su’aalnay bal isada ay ula muuqato in gudoomiyaha guurtidu uu ka hor yimaado shirkan xisbiyadu ay abuubulayaan “Waxa layaab leh in Saleebaan oo kale uu yidhaahdo shir la qaban maayo,isagu waxa uu odhan jiray oo uu ku dagaalami jiray oo ku dhaaran jiray oo gacantiisa uu ku luli jiray shir beeleed hala qabto, erayadiisii taarkhada caanka ku ahaa ee bal cida ina kala saarta ayaa la yaqaanaa, maanta inuu yidhaahdo lama qaban karo arintaas waa qalad. Mar labaadna waa qalad oo Saleebaan dawladii Cabdiraxmaan iyo Xasan Ciise ee uu wasiirka daakhiliga ka ahaa intuu ka dhaqaaqay ayuu la dagaalamay oo uu xabad qaatay,tii ina Cigaalna isaga oo wasiirkiisa  maaliyada ah ayuu la dagaalamay, tii Rayaalana isaga oo guurtida ah yuu la dagaalamay,maanta waxa uu u aamusay is weydiin badan ayay leedahay?jawaabteedana dadkaan u daynayaa.Saleebaan intii dawlad ina soo martay Somaliland waa uu la dagaalamay oo waa mid jirta,waana su’aal umaddu ka sugayso tan Axmed Siilaanyo waxa uu uga aamusay.

Comments are closed.