Aragtida Dunidu Ka Qabto Maraykan Oo ‘Aad’ Isu Bedashay Trump Ka Dib

0
736

Doorashadii

Madaxweynenimada Donald Trump ayaa "saamayn wayn ku yeelatay sida uu adduunku u arko dalka Maraykanka", sida lagu sheegay daraasad ballaaran oo la sameeyay.

Daraasaddan waxaa sameeyay xarunta cilmibaadhista ee Pew Research Center oo waraysi la yeelatay sannadkan in ka badan 40,000 oo ruux oo ku kala nool 37 dal.

Waxay ku soo gabogabaysay in siyaasaddaha madaxweynaha aanay "shacbiyad wayn ka lahayn caalamka".

Sahankan laga sameeyay 37 dal labo dal oo ka li ah ayaa aragti fiican ka qaba Trump marka loo eego middii ay ka haysteen madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama. Labadaas dal ayaa kala ah Israa'iil iyo Ruushka.

Laakiin warbixintan waxay bidhaaminaysaa in in badan oo dadkaas ka mid ah ay dareensan yihiin in aanu wax isbadal ah ku imanaynin sannadaha soo socda calaaqaadka ay dalalkoodu la leeyihiin Maraykanka.

Waxyaabaha ugu doorka roon ee ka soo baxay sahankan la qaaday intii u dhaxayasay 16 Feebaraayo ilaa 8 May waxaa ka mid ah:

Sahankan ayaa dadka lagu sameeyay markii uu Obama dhamaystay siddeeddii sano ee uu xilka hayay, iyadoo Trump-na uu markaas uun xilka la wareegay – waxaa dadka la waydiiyay in ay kalsooni ku qabaan in madaxeynuhu uu si wanaagsan u maarayn doono arrimaha caalamka.

Trump ayay wakhti yar ku qaadatay in uu sunto arrimaha caalamka – wuxuuna si cad u sheegay in dalalka ku jira Gaashaan Buurta Nato ay bixitaan saami caddaaladda waafaqsan, isaga oo ula jeeda in ay dhaqaale dheeri ah bixiyaan, sidoo kalana todobaadyadii dhawaa wuxuu dhiirigaliyay in dalalka Khaliijku ay go'doomiyaan dalka Qadar.

Waxaa ka mid ahayd markii hogaamiyaha Jermalka Angela Merkel ay sheegtay in Yurub aaanay si buuxda ugu tiirsanaan karin saaxiibkeedii hore, iyada oo hadalkaas sheegtay markii ay kulan la qaadatay Trump.IMAGES

Xaqiiqadu waxay tahay in dalalka ay kalsoonida ugu badan ka yaaraatay ay yihiin xulafadii soo jireenka ahaa ee Maraykanku lahaa, sida ay muujinayso daraasaddani 86% dadka Jermalku waxay kalsooni ku qabeen Obam halka tusaale ahaan ay 11% boqolkiiba ay kalsooni ka qabaan Trump.

Daraasaddan ayaa la baahiyay saacado uun ka dib markii maxkamadda sare ee Maraykanku ay qayb ahaan fasaxday xayiraadihii socdaalka ee madaxweyne Trump uu saaray dadka ka imanaya lix dal oo Muslimiintu aqlabiyad yihiin.

Xayiraaddaas ayaana shacbiyad ku lahayn 62% dadkii wax laga waydiiyay ee ku sugnaa 37da dal.

Saddex dal oo kali ah ayayna aqlabiyadda dadkoodu taageereen go'aankaas kuwaas oo kala ah Israa'iil, Hungary iyo Ruushka.

Waxaas oo dhanse midkoodna dan lagama laha

Dadka daraasadan lagu sameeyay oo gaadhaya 40,447 oo xarrunta cilmibaadhista ee Pew su'aalo waydiisay ayay jawaabahoodu sidaas u dhadhamayeen.

Dadka ayaa laga yaabaa in ay ka walaacsan yihiin waxa Trump uu uga dhigan yahay dalkooda, badankooduna waxaa laga yaabaa in ay u arkaan nin qalafsan oo halis ah – laakiin aanay taasi ka dhignayn in ay u malaynayaan in madaxwenenimadiisu ay saamayn ku yeelan doonto.

Inkastoo 15% oo kali ah ay qabaan in calaaqaadku uu hagaagi doono, haddana waxaa jira dalal rajo wayn qaba gaar ahaan kuwo qaaradda Afrika ku yaalla, 54% dadka Nigeria iyo 51% ka mid ah dadka Ghana waxay u arkaan in calaaqaadku uu hagaagi doono.

Marka la eego dadka Ruushkana 53% waxay qabaan in xaaladda adduunku ay hagaagi doonto inta uu Aqalka Cad ka talinayo Trump, sida ay daraasaddani muujinayso.