Kullanka 106aad Ee Shaqaale Waynaha Adduunka?? W/Q Sacad Muse Ibraahim 

0
1133

Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxa lagu qabtay shirwaynaha haayada shaqaalaha aduunka ee ILO (International Labor Organization).
Halku dhaga sanadka “A better Future for a Woman At work”.

Shirkan oo shir sanadlaa oo ay soo qaban qaabiso hayada shaqalaha aduunka ee loo soo gaabiyo ILO (International Labour Organization) ayaa sanad kasta waxa lagu qabtaa xarunta guud ee U N ta (Geneva Switzerland)

Shirkan oo lagu falan qeeyo duruufaha kala Gedisan iyo caqabadaha hor taagan shaqaale waynaha aduunka waxa uu ahaa  kulankii (Session) 106aad  iyadoo dawladuha iyo wadamada ka qayb galayaa ay kaga soo qayb galaan qaabka saddex geesoodka ah ee ka kooban

Ø Shaqaalaha

Ø Loo shaqeeyaha 
Ø Dawlada

waxyaabaha ugu mudan ee laga dhaxlo faa'ido ahaan shirkan ayaa ah in si toosa

Ay u wada hadlaan xubnaha matalaya shaqaale waynaha aduunka iyo loo shaqeeyuhu iyada oo dawladaha  wadamada ka qayb galaya shirkaasi dhex u yihiin iyo ururk Qaramada midoobay ee ILO

taas oo lagaga hadlo had ba arrimaha murugsan ee shaqaale waynaha aduunka hor taagan.

Waxaana sanadkan ugu mudnaa halku dhagna u ahayd  kullankan 106aad in Haweenku mustaqbal wanaagsan ku yeeshaan goobaha shaqo

(A better Future At work) si loo yareeyo culayska  iyo cadaadiska ay kala kulmaan hawwenku goobaha shaqada in kastoo wadamo badani ku kala duwan yihiin hab maamuuska iyo shaqaalaynta dumarka labadaba.

Hadaba jeer oo shaqo la'aan baahsani ka jirto Dalka ma yihiin shaqaale wayanaha somaliland kuwa hela xuquuqdooda ay xaqa u leeyihiin..? se caqabadaha ugu wayn ee hor taagan maxay yihiin.?

hadiiba aynu ka hadalno helida xuquuqaha kala gedisan ee shaqaalaha waxa

jaan-goynaysa haayaadka ama rugaha ganacsi ee ay ka hawl galaan hadaba si kasta oo ay tahay waxa jira  Caqabado guud oo ay wadaagaan uguna wayn tahay in aysan helin awoodo dhanka sharciga ah oo dhaqan gal ah caqabadaha badanaa soo noq-noqda ee la xusi karo waxa ka mida

Ø Sii joogitanka shaqo oo la hubin 

  (Lack of Job Security)

Ø Waqtiyo dheriya bila lacagana 
    (Over time whit Out Payment)

Ø Cadaadis gudaha shaqadaa
   (Internal Pressure at Work)

Ø Jawi aan shaqo ku haboonayn 
       (inappropriate Environment for Work)

Ø Wajibaadkooda shaqo oo qeexnayn 

(Unspecific Job description)

waxa intaa dheer oo ay tirsanayaan shaqaale waynaha somaliland waxa ka mida in aan haayaad ka maxaliga ahi iyo kuwa caalamiga ahi aanay dabaqin shuruucda iyo 
(Code of conduct) ga u yaal dalka marka laga tago inta ay iska waafaqayaan shuruucda gaarka ah ee ay dhigteen

Hadaba cabashadaas kali kuma aha shaqaaluhu ee waxa tu taas ka soo horjeeda lid ku ahna  qaba ( Loo Shaqeeyaha) waxaana aynu  ka xusi karnaa

v In Shaqaalaha manta joogaa lahayn Xirfad buuxda

v In shaqaale badani buuxin Karin masuuliyaad kooda 
shaqo

v In Laga xirfad badan yahay shaqalaha Dalka.

v In Shaqaale badani fahansanyn Nidaamka shaqo

Hadaba caqabadaha noocan oo kale ah ee ay shaqo la'aantu ugu horayso aduunku wuu ka gudbay Cabooshooyinka shaqalaha iyo loo shaqeeyaha ka dhex jirtana shuruuc baa loo meel Mariyay  cida ka gudub tana waxa lagu qaada ciqaabteedaa.

Waxayna Arrintani abuurtay  in la helo jawi wada shaqayneed iyo mid wada socod oo ku dhisan nidaam iyo kala danbayn

Ugu danbayna arrintani waxay sababtay Horumarka dunida maanta ka socda iyo koboca dhaqalaha iyo is kaashiga caalamiga ah

(International Economic Cooperatives)

 wa’ayo (shaqaale tayaysan ayaa qaran tayo leh soo saara)

Hadaba Inkasta oo xeer ka shaqaalaha rayidka Somaliland si wacan oo hufan loo qoray 2004 lana ansixiyay Xeer LR (34) hadana waxa jira dal-daloolo Mug leh oo wali dhaqan galin tabaya

Taas oo sababtay fakaag ka dhex jira shuruucda ay dhigteen haayaadka gaarka loo leeyahay iyo Shuruucda guud ee shaqada iyo shaqaalaha qaran ka hadaba waxaan u soo jeedinl lahaa Xukuumada dhexe iyo wasaraada shaqada iyo arimaha bulshada in ay fuliyaan xeerk LR 34 khaastan Qodobka 4aad Faqradiisa 1aad oo dhigaysa in madaxa wasaarada shaqada iyo shaqaaluhu magacaabo isaga oo la tashanaya agaasinka guud kormeeraayaal shaqo (Labour Inspectors)

waxayna fududayn donaan gudidaasi in xeerka qaranka ee shaqaalaha la debeqo iyadoo aan la dhantaalayn xeerarka gaarka ah ee u dajisan haayaadka shaqo ee gaarka loo leeyahay laakiin wixii  gaab Ah (Vacuum) ee aan qumanayn laga dhex saarayo.

Wa billaahi TAwfiiq

Q: Sacad Muse Ibraahim 
Email:

Sacadmuuse07gmail.com