Aqoonyahan Raabbi Oo Ka Dayriyay Xaaladda Ganacsi Ee Wadanka

0
842

Picture6Hargeysa(Geeska):-Aqoonyahan Maxamed Xaaji Xusseen Raabbi oo ka mid ah aqoon yahaniinta reer Somaliland ayaa ka dayriyey xaalada dhaqaale ee dalku uu maanta maraayo, waxaana uu sheegay in ganacsigii dalka ay ka muuqato baylah aad u xoogani, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftey in ganacsigii dalku uu ku ururey oo kaliya soo dajinta qaadka, iyo sida oo kale in ay ganacsatadu ay ka ganacsadaan wax isku mid ah. Md:Maxamed Xaaji Xuseen Raabi, ayaa hadalkan ka sheegay mar u la hadlaayey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn uu sheegay. “Waxaan doonayaa maanta ka hadlo ganacsiga Somaliland, sababta aan uga hadlayaa waxa weeye waxa aad mooda in uu ganacsigu baylah yahay, dhaqaalahii wadanka soo galaayey waa uu ku xayaala meel aan mustaqbalkiisu fiicneyn waxna ka tarayn waxyeelo mooyaane,Laba meelood ayaana ugu badan meeli waxa weeyaan meeshan qaadka la yidhaahdo.Mida kalena waxa weeyaan ninkii wax xooga yar helaaba waxaa uu soo qaadanayaa allaabo uu isleeyahay waa loo baahan yahay, markaa marka baahida suuqa la eego halkii qof qudhi uu ka bixi lahaa ayaa laga yaaba in ay toban shirkadood ka baxaan oo deetana allaabtoodii ay mar wada timaado oo ay isku soo gaadho,oo meeshii ay markaa noqoto waxa la yidhaahdo suuqii ayaa cabudhey ama karbudhey, allaabta caynkaas ah waxaa ka mid ah baabuurta,waxaa ka mid ah kuwa cuntada, iyo allaabooyin kale oo aad u tira badan, markii wakhtigoodii uu dhacayna la xaraashay. Markaa waxa la doonayaa in ganacsigana la xadido, xorna uu ahaado. Xadidaadu waa waxii dantaada ah oo laysla garto oo sharciga la waafajiyo, gaar ahaana sharciga ka soo baxaaya labada gole ee ganacsiga laguna illaalinaayo dhaqaalaha”. Aqoonyahan Maxamed Xaaji Xuseen Raabi waxaa  uu sida oo kale uu sheegay in looga fadhiyo in ay qorshe muhiimad kala horumarineed ah ay u sameeyaan ganacsiyada dalka.“Culimada Siyaasada haysaa waa in ay had iyo jeeraale ay ku filan yihiin waxii muhiimka sii ah ee loo baahan yahay, tusaale ahaan qaadka miyaa loo baahan yahay Maya hadaba waa in uu qaali noqdaa, oo waa in aan meel jaban laga helin oo uu qofku awoodi waayo, dhinaca  kale aqoonta  buugaag ma loo baahan yahay haa waa loo baahan yahay buugaag jahliga dadka lagaga saaro, markaa waa in la helaa muugaag badan oo aad u jaban si dadku ay aqoon u helaan”Ayuu yidhi Md:Raabi. Ugu danbeyntiina Md:Raabi waxaa uu soo jeediyey in loo baahan yahay in ganacsatada dalku ay sameeyaan wax la yidhaahdo iskaashi.“Dadku waxaa  up uu hore ugu maraa iskaashi oo marka maal iyo muruqba lays kaashado, oo waxaa lagaga bilaaban sidana waa iskaashatooyin tusaale ahaan xaafada Jig-jiga yare ee magaalada Hargeysa imisa maheradood ayaa ay qaadi kartaa the, hadey toban dukaan u baahan tahay oo 200-oo dukaan laga furo soo dad wadaniyiin ahi kici maayaan, markaa waa in of the sharci loo sameeyo oo waa in ninkaasi ku biro  saddex ama laba iskashato, oo meesha ah meelna ay wax ka wada qaataan sina wax u wada iibiyaan, daa sidaas ahi waa dad loo baahan yahay in ay noqdaan dad qaranimada jecel oo dadka kale wax tari kara, oo waxaa kale oo loo baahan yahay in xirfad la yaasha qudhoodu ay sidaas u sameeyaan” Ayuu yidhi Aqoonyahan Maxamed Xaaji Xuseen Raabi.