Maxamed-rashiid: Geesi Ka Baxay Saxaafadda Oo Maanta Hargeysa Lagu Asayo

0
809

Picture5Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa maanta magaalada Hargeysa lagu aasayaa xoghayaha guud ee ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya oo loo qaaday, ka dib markii uu khamiistii  ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera.

Alle haw naxariisto ee Marxuum Maxamed-rashiid, wuxuu ahaa geesi ka baxay saxaafadda Somaliland iyo guud ahaan xorriyada hadalka ee Somaliland, waxaanu ahaa u doode ku caan baxay difaacida madaxbanaanida hadalka ee muwaadiniinta Somaliland, waxaana tebi doona guud ahaan saxaafadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda kale ee qarank ayaa tacsi ka diray geerida Marxuum Maxamed-rashiid.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u diray guud ahaan saxaafadda Somaliland, shacabka, qaraabada iyo ehelka uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed-rashiid.”Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo  Wargeyskii uu ka tirsanaa ee  Saxafi.

Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii,  Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad  ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta  saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.

Waxaan Illaahay uga baryayaa  inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Murshaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa isna ydihi  “Waxaan maqlayaa geeri naxdin leh. Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo walaalkeen Maxamed Rashid, wuxuu ahaa nin geesiya oo mawqif adag leh una soo halgamay saxaafadda xorta ah. Weli waan rumeysan kari laayahay warkani inkastoo geeridu ay tahay xaq. Ilaahayoow jannaddii ku gee. Adduunyo waataasi! waa ayaamo koobane.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna guud ahaan qaranka iyo saxaafadda Somaliland ka tacsiyeeyay geerida xoghayaha guud ee SOLJA, waxaanu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (cirro), ayaa isna muujiyay sida uu uga naxay geerida marxuumka, waxaanu Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa yidhi “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa qoyskii,qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda saxaafada Somaliland ee uu ka baxay Xoghayihii Ururka Solja Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeryooday magaalada Nairobi. 

Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo  iiman ka siiyo.”

Guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Mr. Guuleed Axmed Jaamac, ayaa isna Marxuumka ku tilmaamay halyey ka baxay saxaafadda Somaliland, waxaanu yidhi “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyskii iyo asxaabtii Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeryooday Kenya. Aad baanu uga naxnay markaanu maqalay geerida suxufigan wayn oo ahaa nin u halgama xuquuqda hadalka. Maxamed oo ahaa Xogahiyiii ururka suxufiyiinta ee SOLJA wuxuu ku suntanaa inuu is bar bar taagay xoriyadda hadalka mar dadka badankiisu ay ku keliyeeyeen.

 Wuxuu ahaa naf wanaagsan, geesi ah oo si adag u wajaha wuxuu doonayo. Wuxuu is-barbar taagay suxufiyiin waqti adag ku jirta, mar qudhana muu joojin halgankiisa ilaa intii naftu ka baxaysay. Waxannu Eebe uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo, qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo.”

 

Alle haw naxariisto marxuum Maxamed-rashiid ee maanta ayaa lagu aasayaa xabaalaha xeedho ee waqooyiga Hargeysa.