Guddiga Dhismaha Dawga Cad Oo Kormeer Ku Tagay Jidkaas

1
793

Picture4Dawga (Geeska) – Guddida Isku xilqaantay dhismaha dawga-cad ee isku xidhaya dalalka Somaliland iyo Jabuuti  ayaa doraad safar ku tagay jidkaasi oo in muddo ah dhismihiisu socday isla-markaana hore u dhamaystiray wejigii koowaad oo ay ku jiraan 3-dii KM ee ugu dhibaatada badnaa dhismaha jidkaasi.

Guddida Dawga-cad oo ee kormeerka ku tagay jidka Dawga-cad, ayaa waxay kormeer indho-indhayn ah ku tageen meelo jidkaasi ka mid ah oo roobabkii dhawaan dalka ka da’ay waxyeeleeyeen, waxayna qurba-joogta deegaankaasi ugu baaqeen inay sii wadaan taageerada ay la garab taagan yihiin dhismaha jidka Dawga-cad oo muhiim u ah isku socodka dadka ku dhaqan gudaha Somaliland iyo Weliba Jabuuti.

Axmed Warsame Siciid oo ka mid ah Injineerada waddada dhisaya oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Maanta (doraad) Dawgii waynu ka soo dhaadhacnay oo 3KM ee dawga ahaa oo la dhamaystiray waad soo aragteen, halkan aynu taaganahay waa buurta Camuud oo ah meel ay  baaburtu dhib badan ku qabaan, waana 1KM ee noo hadhsanaa, Haddii aanu Intaa dhamaynay Nimcadii Maalimihii Dhawayd da’ay ayaa dhibaato gaadhsiiyay, Waddada waanu banaynay, Miinooyin ayaanu ku Qarxinay ilaa 7KM ayaanu banaynay, laakiin roobkaasi oo da’ayay 36 saacadood ayaa aaaday wixii aanu ciid dhignay”

Sheekh Cabdiqaadir Jaamac, oo ka mid ah guddida Isku Xilqaantay dhismaha Waddada Dawga-cad oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “iyadoo dan guud ay tahay cid gaar ahna loo Hagaajinayayn, Markii aanu Bilawnay Waxa Ka soo wareegay Laba sano, Anagoo markii wixii aanu haynay Ku bilawnay, waa Sadaqo janada Lagu galayo, Dhammaan ciddii wax ku darsanaysa waxaanu leenahay ku soo darasada waliba dar Ilaahay oo Siyaasad Ka Madhan ,Weji Ka madhan,tana taasi ayaanu u qabanay”

Xasan Cali Wayd, oo ku hadlayay Magaca Qurba-joogta taageerada ka geysta dhismaha Waddadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Intii Hawshan la bilaabay ee La yidhi soo caawiya wixii aanu soo bixinay, Waxaan arkay aniga oo afka qurba-joogta ku hadlaya waxaan aad ula yaabay sida waddada Dawga Cad loo sameeyay, Haddii aynu qurbajooga nahay waxaan leeyahay lacagtii aynu soo dirnay ragbaa Wakhtigoodii, Lacagtoodii iyo Hawshoodiiba ku daray, Meeshu waa mashruuc dheer oo dawlad Mooyaane dad kama baxeen”

Mr Wayd, waxa uu baaq u diray qurba-joogta reer Somaliland, gaar ahaan beelaha Sacad Muuse “Waxaan baaq dheer u jeedinayaa beesha meeshan deegaanka ku ah Inay Iskugu tagaan Jidkaasi halbawlaha ah” ayuu yidhi.

Waxa Isaguna Goobtaasi ka hadlay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Seekh Ismaaciil Dheeg) Waxaanu Yidhi “Farxad ayay noo tahay xafladan loogu talo galay In dadka intii aan ogayn markhaati ka noqoto Wixii la Soo Qabtay, dadka waxa ku darsaday waxaanu markhaati idiinka nahay wixii hore ee aad bixiseen ay Idiin noqotay Kayd ILAAHAY agtiisa ah, Wixii Dadku Bixiyay Waxay Galeen, waa mashruuc Jid Banayn Ah Waa mashruuc U Baahan gacmo Fara badan “

Ugaaska Guud Ee Beelaha Habar Awal,  Cabdilaahi Xawaareeye ayaa isaguna sheegay In haddii gacmaha La is Qabsado Wax waliba ay dhamaanayaan, waxaanu tilmaamay Inay Cid walba dan u tahay jidka Dawga-cad, muhiimna ay tahay in gacmaha la isku qabsado sidii loo dhamaystiri lahaa.

Kormeerka guddida Dhismaha dawga-cad, oo uu sidoo kale uu hadal ka soo jeediyay Xildhibaan Axmed Ciise, ayaa isaguna waxa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Dawga-Cad, Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu yidhi “Marka laga hadlayo dawga cad,  lagama hadlayo qareen goo, laakiin waxa Laga hadlayaa deegaan, Waxa laga hadlayaa Mustaqbal, waxaanu Ka hadlaynaa Meelo ganacsigu Is waydaaran doono, waddadan markaynu ka hadlayo waxa inoo soo baxay wax badan, dawga cad markaynu ka hadlayo waxaanu sheegaynaa mustaqbal balaadhan,hala dedaalo oo wax hala isla qabsado”.

 

Comments are closed.