Dr. Xuseen Bulxan Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Prof Axmed Ismaaciil Samatar

0
554

Picture9Hargeysa(Geeska)-Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa si adag u dhaliilay Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo taariikhdiisii hore ee uu kaga horyimid qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Dr. Bulxan, oo waraysi siiyay telefishanka HCTV, wuxuu sheegay in xukuumadu Prof Axmed Ismaaciil Samatar siisay lacag aan la qiyaasi karin oo aanu xadigeeda sheegin, “Axmed baan hagaag u aqaanaa , afkaan iska haystay ilaa intuu yimid. Halkan,  Doodahaanu wada galnay ilaa 1991 ilaa 1980s kii ee aanu ka hadlaynay Somaliland xuquuqda ay leedahay raggii hor taagnaa weeye , ninka maanta i leh ictiraafkii baan anigu hayaa oo cilmigeedii hayaa , wax aliyaale  iyo wax ka jiraa ma jiraan ,  maaha inuu ictiraaf Somaliland ka hor taagnaa , waayo karti uu kaga hor taagnaana ma lahayn mid uu ku keenana malaha.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen Bulxan, waxaanu sheegay inaanu  isagu shakhsiyan ka difaacayn eedaha uu Prof Samatar u jeediyo xukuumadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Axmed Ismaaciil Samatar iyo walaalkii Cabdi Ismaacii Samatar ay ahaayeen rag hore ugu ban baxay dhaleecaynta Somaliland “Isaga iyo walaalkiiba dadkii Somaliland hortaagnaa ee meeshay fursad u helaan dhaleecaynayay ayuu ka mid ahaa, oo anigu markhaati ka ahaa. Sida inay boqortooyo soo gashay ayaa lagu soo dhaweeyay oo lagu sharfay, dadkeenu waa dad naxriis leh oo dambi dhaaf badan oo inankoodu markuu soo noqdo waa khayr weeye, ninkii waxa loogu daray oo dadku aanay ogayn lacag aanad qiyaasi karin ayay xukuumadu siisay.”