Al-Xayaat Furniture Oo Qalabka Ciyaaraha Guddoonsiisay Xulka Kubada Cagta Ee Maroodi-Jeex

0
678

 

al hayaHargeysa (Geeska) – Shirkada Qalabka guryaha iyo xafiisyada ee Al Xayaat furniture, ayaa qalabka ciyaaraha ugu deeqday kooxda kubada Cagta ee ku ciyaarta Magaca Gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibada  qalabka ciyaareed lagu guddoonsiinayay xulka kubada cagta ee gobolka maroodi-jeex oo ay soo qaban qabisay shirkada Al- Xayaat furniture oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Badhasaabka Gobolka Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada  & Ciyaahaa Mustafe Cabdi Qodax, Gudoomiyaha iyo mulkiilaha shirkadda Alxayaat Furniture Maxamed Saleebaan Faarax.

Mulkiilaha Al-Xayaat Furniture oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay u leedahay munaasibadan ay ku wareejinayeen qalabka Ciyaareed, waxaanuu sheegay inay ku doorteen xulka gobolka maroodi-jeex guushii ay ka soo hooyeen ciyaarihii gobolada ee sanadkii hore lagu qabtay Magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer, waxa uu intaas ku daray inuu gobolada kalena siin doono deeq tan la mid ah “Qalabkan waxaanu ugu tallo-galay inaanu ku dhiirigalino ciyaaraha Somaliland iyo tartanka gobolada dalka ee dhici doona”ayuu yidhi Mulkiilaha shirkada Al-xayaad.

Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa mulkiilaha Al-xayaat Furniture uga Mahadceliyey deeqdan, isaga oo  sheegay inay tahay shirkadda kaliya ee ilaa hadda caawisay xulka ciyaartoyda gobolka maroodi-jeex, waxaanuu sheegay inuu isagu yahay agaasimaha guud ee ciyaaraha  isla-markaana uu dhex u yahay gobolada  dalka oo dhan.

Badhasaabka gobolka maroodi-jeex  Axmed  Xamarji oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay shirkada Alxayaat Furniture,Waxaanu ku tilmaamay in Mas’uul ahaan u u hawl gali doono sidii uu u soo dhamaystiri lahaa agabka ay u baahan yihiin Xulka Gobolka Maroodi jeex, waxaanu ku dhiirigeliyay dhalinyarada u safan Gobolka in looga baahan yahay dadaal ka badan kii hore oo ay Muujiyaan.

Ugu dambayntiina waxaa guddoomiyaha gobolka maroodi-jeex uu la wareegay qalabkii isboorti ee ay shirkadda Alxayaat Furniture ugu talo gashay xulka ciyaaraha ee gobolka maroodi jeex.

Deeqdan ayaa noqonaysa mid dhiirigelisa da’a yarta ku hawlan Mihnada Ciyaaraha ee ka qayb qaadanaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka.