Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Dawlada Iyo Shacabka Djibouti

0
556

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray dawladda Djibouti iyo shacabkeeda, ka dib geeridii xalay ku timid guddoomiyihii Baanka dhexe ee dalka Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd.

Qoraal ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa lagu yidhi sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa xukuumada iyo shacbiga Jabuuti oo uu ka tacsiyadaynayo geeridii ku timid ALLE HA U NAXARIITSEEMARXUUM JAAMAC MAXAMUUD XAYD oo ahaa gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kiniya oo xaaladiisa caafimaad darteed loo geeyey.

ss

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynayaa geeridaasi eheladii iyo qaraabadii marxuum jaamac maxamuud Xayd, waxa uu illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo  eheladii iyo shacbiga jabuutina uu samir iyo iimaan ka siiyo.