Dugsiga Abaarso Tech Oo Qabsaday Xaflada Furitaanka Sanad Dugsiyeedka

0
595

 

teachAbaarso-( Geeska )- Dugsiga Abaarso Tech ee ku yaala duleedka tuulada Abaarso, ayaa xaflad  balaadhan u qabtay furitaanka sanad dugsiyeedkan. Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen gudida waalidiinta ee dugsigaas.

 

Xafladan furitaanka waxa ka soo qaybgalay Maamulaha machadka  tababarka shaqaalaha dawladda Maxamaed Mixille Boqore, wasiirkii hore ee maaliyada Eng.Maxamed Xaaji Cilmi,Cuqaal, tiro badan oo waalidiin ah iyo ardayda dugsigaas wax ka barata.

Dugsigan Abaarso Tech oo haatan shaqaynaayay mudo afar sano ku dhaw, waxa wakhtigan dhigta ku dhawaad 120 arday, oo u badan ardayda kaalmaha sare ka gashay imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhaxe, waxaana dhigta macalimiin u badan ajaanib.

Gudida waalidiinta ee dugsigan ayaa amaan balaadhan u soo jeediyay waxbarashada dugsigan, waxaanay meesha ka saareen in dugsigan uu ka soo horjeedo dhaqankeena suuban, sida oo kale gudida waalidiinta ee dugsigan waxay shahaado dhiirigalin ah ku maamuuseen maamulka dugsigan  Mr.Jonathan Starr.

Maamulka dugsigan Abaarso Tech Mr.Jonathan Starr oo xafladaas ka hadlay ayaa ka waramay sida dugsigan Abaarso Tech uu ugu heelan yahay inuu soo saaro arday tayadooda waxbarasho ay sarayso, isla markaasna ku xidhan aqoonta dunida, waxa uu Jonathan Starr sheegay in macalimiinta dugsigan dhigtaa ay yahiin kuwo naftooda u soo huray inay wax baraan caruurta Somaliland ayna tahay in lagu garab galo arintaas, waxaanu cabsho xoogan ka muujiyay in dugsiga laga fidiyo dacaayado la xidhiidha diinta iyo dhaqanka, isga oo soo jediyay in loo baahan yahay in runta lagu dhaqmo wax kastana la hubsado, waxaanu ugu danbayntii sheegay in arinku si kasta oo uu ahaadaba ay ku da’daali doonaan inay ardaydaas wax barashadooda u sii wadaan.

Gudoomiyaha gudida waalidiinta ee Abaarso Tech Aamina Cismaan Ducaale oo iyadun dhankeeda ka hadlaysa sababta ay u qabateen xafladan dhiirigalintana u diraysa waalidiinta iyo bulshada Somalilandba waxay tidhi “Waxaan halan isugu nimi xafladii furitaanka ee dugsiga, runtii maaha dugsigan mid cusub ee waxa uu jiray mudo afar sano ah, dafcadii ugu horaysay waxay qalinjabinysaa dhawaan, dugsigana waxqabadkiisu aad buu u badan yahay mana soo koobi karno, hadii aan wax yar ka taataabto dugsigan isaga iyo SOS waa dugsiyada ay ardaydu sida adag ku soo galaan, waxa soo gala labeenta dalka  oo ah ardayda kaalmaha ugu sareeya ku soo gudba, maadama oo aynu isla garanay dugsigan muhiimadiisa waa in aynu wax la qabshadiisa iyo ka war hayntiisaba aynu ka hawlgalnaa maadaama oo aynu nahay dal yar oo curdin ah una baahan soo jiidashada dawladaha caalamka.”

Marwo Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “ Waxaan maanta idin waydiinayaa miyaanay mudnayan in dugsigaas heerka caalmi maraaya  in aynu ilaashano oo kooxdaas inuugu tabarucday  ee inooga yimi Maraykan meelaha ugu danbeeya in aynu ka faa’idaysano caruurteeniina uga faa’idayno, si uu u noqdo  mid mudo dheer ay ku abtirsadaan caruurtii wax ka baratay, ayaanu inaga noqon mid dhicisooba, waxanu jacelnahay hadaynu nahay shacbi iyo dawladba in aynu dhexda u xidhano sidii aynu dugsigan u ilaalin lahayn.”

Dugsigan ayaa dadka deegaanka Abaarso ka taageero in kor loo soo qaado aqoonta caruurtooda, waxaana inta badan dadkii xafladan ka hadlay ay sheegeen in ay muhiim tahay ilaalinta dugsigan, waxaanay ku taliyeen in la garab istaago macalimiintan u heelan wax barida cariuurteena.

Wasiirkii hore ee maaliyada Eng.Maxamed Xaaji Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa talooyin  muhiim ah u soo jeediyay dadka deegaanka Abaarso oo uu ku dhiiri galiyay inay ka faa’idaystaan dugsigan kobcinaaya aqoonta caruurtooda  “Hadii aanu waalidkii nahay waa alle mahadii hadii dugsi qiimahaas leh alle keenay, hadii aan taariikhda dib ugu yara noqdo wakhtigii aan anagu dugsiyada ku jirnay iyo maanta aad ayay u kala duwantahay Hargaysi dugsi kaliyaata ayay lahayd oo dugsi dhaxe ah oo Sheekh Bashiir la yidhaahdo, magaalooyinka oo dhan dugsiyo dhex uunbaa ka dhisnaan jiray, tacliintu cidhiidhi ayay ku jirtay, maanta hadaanu waalidiintii nahay waanu ka nasiib  badanahay sidii oo alle Abaarso ayuu inuugu keenay dugsiga qiimahaas leh.” “ Reer Abaarso waxa uu alle u keenay dugsi aynaan wali ku seexan maanta waa dugsi sare jaamacadan waa uu noqon karaa baritoole, dugsi dhaxe iyo mid hoosana waa ay ka bilaabmi karaan, Sheekh waxay ka faa’iday oo tacliinteedu hore ugu martay  dugsiyadii laga dhisay, Abaarso alle ayaa u keenay halkan inay ku faro adaygto oo dadka kale kaga sii faro adaygto weeye sida runta ah, in odayaasho ay halkan yimaadaan oo ay shirarka ka soo qaybgalaan oo waxa ka socda ay ogaadaan weeyeen, waxa loo baahan yahay in caruuta loo dhigaayo wax maanta 70-taneeye ayaa laynuugu sheegay barina waa ay ka sii badan kartaa inay ka faa’idaystaan oo ay ilaaliyaan weeyaan, aad ayay ugu mahadsan yahiin macalimiintan intaas oo mayl u soo socday inay caruurteen wax baraan, maantana in aynu la shaqayno oo wax la’la qabto ayaynu u baahanahay.”

Maamulaha machadka  tababarka shaqaalaha dawladda Maxamaed Mixille Boqore  ayaa isaguna dhankiisa yidhi“ Qolyahiinan maanta boodhinka dhiganayaa fursad wanaagsan oo dhanka waxbarashada ah ayaad hesheen ee ka faa’idaysta, talabaad magaaladan Abaarso nasiib ayay heshay ee malaa maba garnayaan,jaaniskan ay heleen waa inay ka faa’idaystaan halkana waa ay arki doonaane iyaga ayuunbaa u aayi doona, qolada  waalidiintan waxaan leeyahay dugsigan ilaalinta tayadiisa iyo sida uu u socdo waxa la dhigaayo iyo sida ay ardaydu u tayaysan yahiin  iyo nabad galyadu siday tahayba idinka ayuu xilkeed idinsaaran yahay. Wasaarada tacliinta waxaan  leeyahay dugsigan qaaliga ah iyo waxbarashadan fiican inagaa  dawladii uga wakiil ah waxbarashadee  inoo ilaaliya.”