Al-Shabaab Oo Weeraro Mataano Ah Ku Qaaday Hoteelo Ku Yaala Muqdisho

0
518

Picture5Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Inta la ogyahay 11 ruux ayaa ku geeriyooday laba qarax oo shalay afurkii lala eegtay laba hotel oo caan ah oo ku yaala magaalada Muqdisho ee wadanka Somaliya.

Labada hotel oo kala ah Weheliye iyo Siyaad, waxa weerarka lagu qaaday sheegatay Al-Shabaab. 6:15 makhribnimo ee shalay ayuu weerarku ku bilaabmay hoteelka Weheliye, waxaana wakhtigaas oo salaadda makhrib lagu jiray ku sugnaa hoteelka wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil kale oo dawladda ka tirsan. Laakiin dhammaantood waxa la sheegay inaanay waxba soo gaadhin marka laga reebo dhaawacyo fudud.

Gaadhiga qaraxa ah waxa la socday rag hubaysan oo doonayay inay gudaha hoteelka galaan kuwaas oo ay ciidamada hoteelka ilaaliya iyo kuwo kale ka hortageen.

Maxamed Cumar Ceymooy, wasiirka kaluumaysiga ee Soomaaliya oo ka mid ahaa saraakil ku jiray gudaha hotel-ka ayaa VOA u sheegay in qarax weyn albaabka hotel-ka lala beegsaday, ciidanka amniguna ay hor istaageen in dableydu ay gudaha u gasho hotel-ka. Wasiirka ayaa sheegay in wakhtiga weerarka ay gudaha hotel-ka ku jireen wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weerar isna ku qaaday hoteelka Siyaad oo aan ka fogayn madaxtooyada Somaliya halkaas oo ay ku weerareen baabuur is qarxin ah iyo dagaal.

Sidoo kale, All-Shabaab ayaa weeraray oo gudaha u galay Siyaad Hotel oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay wali ku jiraan gudaha hotel-ka, waxaana weriyayayaasha VOA ay ku soo warramayaan in hotel-ka gudihiisa laga maqlayo rasaas iyo qaraxyo. Saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab ayay xalay idaacadaha Muqdisho ku warameen inay gudaha u galeen hoteelka Siyaad, waxaana la sheegayaa in qaar ka mid ah maamulka magaalada Muqdisho ee dawladda Somaliya ay ku geeriyoodeen weerarkan lagu qaaday hoteelka Siyaad.