Suldaan Maxamed Iyo Abwaan Cabdiwaaxid Oo Shalay Hargeysa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay

0
555

Picture4

Hargeysa(Geeska) :-Waxaa si ballaadhan shalay loogu soo dhaweeyey madaarka Hargeysa suldaanka guud ee Somaliland iyo wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminaayey oo muddooyinkii danbe socdaal ugu maqnaa magaalada Garoowe ee maamul goballeedka Puntland oo uu ku xidhnaa abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid.

Waxaana soo dhaweyntii suldaanka, weftiga iyo abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiidba ka qeyb-qaatay madax-dhaqameed, dhalinyaro iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ugu danbeyntii halkaas warbaahinta kula hadlay, ayaa si aada ugu mahad celiyey dhammaanba madaxda iyo dhammaanba bulshada kala duwan ee maamul goballeedka Puntland, waxaana uu sheegay in ay si qiimo badan ula halw-galeen mudaddii ay halkaas u joogeen soo deynta abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid.

"Ragii halkaas ila hawl-galay oo dhan, waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad uma hadsan tihiin oo ragu waa ay badnaayeen oo ma kala qaad qaadi kara e' madax-dhaqameedka reer Puntland horta waan u mahad naqayaa, waxaana aan si gaar ah ugu mahad-naqayaa agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda iyo master Cawaale iyo wasiirka amniga ee Puntland, waxaan ummada u sheegaynaa in ay halkaas ay bal soo eegaan oo ay tagaan, oo dadkaasi in ay dad wanaagsan yihiin ayaan idiin sheegaynaa".Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Salaadiin iyo madax-dhaqameed kale oo suldaanka socdaalkiisa ku wehelinaayey, oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba tilmaamay in si milgo leh looggu soo dhaweeyey Garoowe sida oo kalena loogu qaabilay si sharaf iyo karaamaba ay ku jirto, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in bulshada reer Punland ee halkaas ku dhaqan ay si u laab xaadhan tahay ummada reer Somaliland sida oo kalena ay aad u jeceshahay.

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dareenkiisa ku cabiray tix gabay ah oo uu ku ammaanayo beelaha dega maamul goballeedka Puntland.