Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub Oo Dood Ka Socotay Baarlamaanka Midowga Yurub Ka Taageeray Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland

0
528

Picture6Bruessless(Geeska)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub xildhibaan James Carver oo caan ku ah taageerista Somaliland, ayaa dood uu shalay baarlamaanka Yurub yeeshay, wuxuu ku soo jeediyay in la aqoonsado qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Xildhibaankan, oo ka qayb galayay dood uu Baarlamaanka Midowga Yurub kaga hadlayay xaaladda wadanka Yemen ee dhinaca bini-aadminimada, ayaa wuxuu ku taliyay in la aqoonsado Somaliland islamarkaana lagu bogaadiyo hawsha ay qabteen ee ah soo dhawaynta iyo qaabiladda qaxoontiga Yemen ee ay ku qaabileen dekedda Berbera.

Hase yeeshee, xildhibaan Charles Tannock oo ka mid ah Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa ka jawaabay soo jeedinta xildhibaan James Carver, waxaanu sheegay inuu la qirsanyahay inay Somaliland u qalanto aqoonsi caalami ah, balse aanay doodan shalay khusayn Somaliland, “Xildhibaan Carver xaqiiqdii waa run oo Somaliland way u qalantaa aqoonsi, waana wadan dimuqraadi ah oo uu nidaamaka iyo sharcigu shaqeeyo, lana dagaalanta budhcad badeeda iyo xag jirka.” Ayuu yidhi, waxaanu sheegay xildhibaakani in Somaliland ay ahayd maxmiyad uu Ingiriisku gumaysto oo xorriyadeeda ka qaadatay, “Waa qadiyad  haysta dood adag, laakiin xildhibaan Carver doodu maanta maaha Somaliland ee waa waxyaabaha ka socda wadanka Yemen.”

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa muddooyinkan dambe u muuqda inay ku soo jeesteen qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo taageeristeeda.