Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Qaraxii Daallo

0
642

Muqdisho(geeska)-Hadal-qoraal oo ay Alshabaab shalay soo saareen  ayey ku sheegteen mas’uuliyaddii qarixii bishan Feberaayo 2-dii lala beegsaday Diyaaradda Daallo Airlines oo ka kacday Garoonka Muqdisho ee Somaliya, kuna sii jeeday dalka Jabuuti.

1

Telefishinka Aljazeera oo helay Nuqul ka mid ah Qoraalka Alshabaab ku qirteen Qaraxa Daallo Airlines, ayey Alshabaab ku sheegeen inay qaraxaasi la beegsadeen Saraakiil Reer Galbeed ah.

Alshabaab waxay intaasi ku dareen in Qaraxii Daallo Airline uu qeyb ka yahay Hawlgalo lagu beegsanayo Tobaneeyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Reer Galbeedka iyo  Saraakiisha ciiddanka Turkishka ee Isbahaysiga NATO.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay in Qaraxaasi fal-celin u ahaa Dembiyadda ay Isbahaysiga Reer Galbeedka iyo Hay’addahooda Sirdoonka ka galeen dadka Muslimiinta ee Somaliya.

Diyaaraddaa Daallo ee bishan 2-dii lala begesaday Qaraxaasi waxa ku geeriyooday  Nin magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Cabdiraxmaan Boodhle, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeyey qaraxaasi.

Sidoo kale, qaraxaasi waxaa ku dhaawacantay 2-qof oo ka mid ah Rakaabka Diyaaradda, wuxuuna qaraxu dalool dhererkiisu dhamaa Hal mitir ka sameeyey qeyb ka mid ah Diyaaradda.

Dhinaca kale, Ninka lala xidhiidhinayo qaraxaasi ayaa la sheegay inay u suurto-gashay inuu baadhitaan la’aan kala soo gudbo Laptop-kii uu ku fuliyey qaraxaasi.