“Sida Diiwaangelinta Xilka La Iskaga Saaray, Doorashadana Ha La Iskaga Saaro”

0
519

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Diiwaangelinta cod bixiyayaasha, ee socota,, waxaanu komishanka ku amaanay qaabka ay ilaa hadda u wadaan Diiwaangelinta, waxaanu sheegay in nidaamka Diiwaangelinta Somaliland uu yahay nidaam ku cusub Wadamada Afrika.

1

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in aan la dhayalsan Doorashada ee sida xilka la iskaga saaray Diiwaangelinta si la mid ah in iyana la iska saaro, si ay u qabsoonto, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Diiwaangelintu ilaa hadda si fiican ayey u socotaa, Komishanka Doorashooyinkana waan ku hambalyeynayaa sida ay u wadaan hawsha Diiwaangelinta, nidaamkan Diiwaangelinta ee codbixiyayaashu waa nidaam ku cusub Wadamada Afrika, oo inta badan Wadamada Afrika lagama isticmaalo, waana fursad Somaliland u soo korodhay, markaas madaama ay hadda Diiwaangelintu ka socota Gobolka Awdal, waxaan Bulsho weynta Saylac, Xariirad iyo  Deegaanada Gobolka Awdal ku dhiirigelinayaa inay kaadhka diiwaangelinta qaataan, oo aanu kaadhku seegin”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada waxa uu yidhi “Madaama hadda Diiwaangelintu si fiican ay inoogu socoto, filayna inay si fiican Gobolada dalka oo dhan uga wada hirgasho, waxaan odhan lahaa Doorashada yaan la dhayallsan ee sida xilka la iskaga saaray Diiwaangelinta xil ha la iska saaro, oo ha lagu dadaalo sidii ay iyana inoogu qabsoomi lahayd”