Qorshe Xumada Madaxtooyada Oo Sababtay In Madaxweyne Siilaanyo Xalay U Hoydo Diridhaba, Halkii Laga Sugayay Addis Ababa

9
868

yaabane

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay oo la filayay inay ka degaan caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa si kedis ah xalay ugu hoyday magaalada Diridhaba ee dalkaas, waxaana la dejiyay mid ka mid ah hoteelada magaalada.

Si rasmi ah looma shaacin sababta keentay in weftiga Madaxweynuhu u hoydo magaalada Diridhaba, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay inay arrintan sabab u tahay  dib u dhac ku yimid xilligii loo qorsheeyay in weftigu Madaxweynuhu ka dego Addis Ababa. Diyaaradda weftiga Madaxweynaha qaaday oo la sheegay inay ahayd mid si gaar ah loo soo kiraystay ayaa duhurnimadii shalay timid madaarka Hargeysa, waxaanu jadwalkeedu ahaa inay  5:15 galabnimo ee isla shalay ka degto madaarka Addis Ababa halkaas oo ay weftiga ku sugayeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya, laakiin qorshe la’aanta iyo nidaam xumada weftigii Madaxweynaha ayaa sababtay in diyaaradu madaarka Hargeysa ka kacdo 5:30 galabnimo taas oo sabab u noqotay in weftigu ku hoydo Diridhaba, waxaana madaarka Addis Ababa ku jactaday masuuliyiin ay Itoobiya u xilsaartay inay soo dhaweeyaan weftiga Madaxweynaha kuwaas oo markii ay ogaadeen in diyaaradii la qorsheeyay inay Addis Ababa ka degto 5:15 galabnimo aanay Hargeysaba ka kicin ay ku noqotay fajac iyo amakaag. Waxa kale oo la sheegayaa in sababta Diridhaba weftigu ugu hoydeen tahay diyaaradda oo aan awood u lahayn inay madaarka Addis Ababa ka degto goor habeenimo ah xaaladeed darteed maadaama oo ay markii hore qorshaysatay inay ka degto goor galabnimo ah.

Si kastaba ha ahaate cidda shalay haysay qorshaha Madaxweynuhu, waxay qarankan u soo hoysay ceeb diblomaasiyadeed, waxaanay Madaxweynaha iyo weftigiisii ka dhigeen sidii jabhad dal xukunta marka la eego hab maamuuska iyo qorshe la’aanta ay ku rideen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay saaka gaadhaan magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo saxaafadda ugu waramay madaarka Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynuhu dalka Itoobiya uga gudbi doono dalka Shiinaha halkaas oo uu sheegay inuu wada hadalo kula yeelan doono madaxda dalkaas. “Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu Hoggaaminayay ee  ka ambo baxay madaarka Hargeysa waxa socdaalkoodu ku siman yahay illaa dalka Shiinaha waxaanay sii marayaan Itoobiya oo ay ku hakanayaan wax aan maalin ka badnayn, ka dibna waxay u gudbayaan dalka China,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka warbixinayay socdaalka Madaxweynaha.

Waxaanu intaasi ku daray “Ujeedada socdaalka weftigani waxay daba socotaa xidhiidh u socotay labada wadan iyo wada hadallo ay yeesheen mudadii sanadka ahayd ee xukuumaddu jirtay.”

“China waxa uu ka mid tahay meelaha uu khudbaddii sanadka uu ku xusay markii uun la hadlayay Goleyaasha, China waa dal weyn oo dihin. Waa dal weyn oo ka mid ah dunida horumartay dhinaca dhaqaalaha iyo farsamadda. Waana dal wax ka tari kara wax badan oo baahiyaheena ka mid ah,”ayuu yidhi Af-hayeenku.

Mr. Cukuse waxa uu sheegay in socdaalka Madaxweynuhu la xidhiidho sidii dalka China uu Somaliland uga taageeri lahaa dhinaca farsamada lagaga faa’iidaysanayo khayraadka dabiiciga ah sida shiidaalka, Biyaha, Beeraha.

Comments are closed.