Akhri, Oo Ha Qoslin: Waa Tii Alle Dhiiggayga Sida Malabkaas U Daadiyaa, Laba Doqon Baad Tihiin

0
659

Hargeysa (Geeska)- Waxa la sheegaa in maalin ay is raaceen laba nin oo doqomo ahi, mid ka mid ah labadii nin ayaa ku yidhi, saaxiibkii, kaalay aynu wax niyadda ku qabsanno’e, laga yaabaa in riyadeennaasi inoo suurtowdo oo aynu helno wixii aynu ku hamminay.

Kii koowaad ayaa yidhi, “Anigu waxa aan niyadda ku qabsaday in aan helo tirooyin adhi ah oo aan ka yarayn Kun (1000) Neef.

Kii kale ayaa yidhi, “Aniguna waxa aan ku hammiyayaa in aan helo tirooyin dacawooyin ah oo aan ka yarayn 1000.

Kii hore markii uu weydiiyey waxa uu dacawooyinka ku falayana waxa uu ugu jawaabay, “Keliya, waxa aan dacawooyinkaas u rabaa in ay cunaan adhigaaga”

Kii hore ee adhiga niyaystay ayaa aad u cadhooday bilaabayna in uu caayo saaxiibkii. Arrintii waxa ay ka gaadhay dagaal iyaga oo madaxa iskula jira ayuu soo maray ninkii la odhan jiray Juxa oo ahaa nin lagu xanto garaad gaabni balse laga dhaxlay xikmado fara badan. Juxa waxa uu sitay laba Ubbo oo Malab ah oo uu u siday reerkiisa. Juxa inta uu kala qabtay labadii nin ayuu yidhi, “Waar maxaa idinka dhexeeya ee isku dilaysaan saw idinkii saaxiibka ahaa.” Labadii nin ayuu mid waliba akhristay gartiisii waxa aanay u sheegeen sababta ay isu dileen.

Inta uu Juxa aad uga cadhooday waxa macno darrada ah ee ay labadan nin isku dilayaan ayaa uu soo qaaday labadiisii Ubbo ee Malabka ahaa, kadibna inta uu dhulka ku daadiyay, uu yidhi, “Waa tii Ilaahay dhiigayga sida malabkaas u daadiyaa, waxa aad tihiin laba doqon”