Hargeysa (Geeska)- Qisadan oo keliya qosol iyo maadays looga jeedo ayaa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayaa:
Goor habeennimo ah ayaa ay gabadhii soo baraarugtay, markaasay aragtay odaygii oo aan qolka jiifin, iyada oo yaabban ayaa ay soo kacday si ay uga soo raadiso guriga gudihiisa, maadaama oo markii ugu dambaysay ee jiifay sariirta. Waxa ay aragtay saygeedii oo kelidii kijada dhex fadhiya oo inta uu is hor dhigay koob bun ah fikir dheer ku maqan. Isaga oo aan arkayn, markii cabbaar yar u fiirsatayna waxa ay aragtayba ilmo indhihiisa ka gobo’ leh.
Inta ay naxday ayaa ay weydiisay, “Maxaa ku helay? Maxaa habeen badhkan kelidaa halkan ku fadhiisiyey?” kadib waxaa dhex martay sheekadan kooban:
Ninkii: Ma xasuusataa 20 sano ka hor markii aynu xidhiidhkeenna bilownay, maalin uu aabahaa innagu qabtay innaga oo gaadhiga wada saaran?
Gabadhii: “Haa waa aan xasuustaa” ayaa ay tidhi iyada oo ka yaabban sababta caawa qisadaa xasuusisay saygeeda.
Ninkii: Ma xasuusataa markii aabahaa inta uu ka cadhooday arrintan uu baastooladda la soo baxay, kadibna inta uu madaxa iga saaray uu igu yidhi, “Haddii aanad sida ugu dhaqsaha badan inantan ugu soo fadhiisan, 20 sano oo xabsi ah ayaa aan kuu dirayaa?
Gabadhii: Haa waa aan xasuustaa.
Ninkii oo indhihiisa ay ilmadii ku sii korodhay ayaa yidhi, “Maalintii haddii aan xabsiga dooran lahaa, maanta waa aan ka soo bixi lahaa, aniga oo xor ah”