Shirkii Beelaha Arab Oo Maanta Baligubadle Ka Furmaya

0
508

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii Beelaha Arab ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd.

Shirkan oo uu magaciisu yahay Afgarad 3, waxa ka qayb galaya ergo tiro badan oo isugu jirta qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaanu soconayaa 10-ka June ilaa 13 June, waxaana mudada uu socdo lagaga wada hadlayaa danaha reerka, waxaanay guddiga qaban qaabadu cadeeyeen inaan shirkan wax siyaasad ah lagaga hadli doonin balse lagu koobnaan doono arrimaha horumarka Beelaha Arab. Maalmaha uu socdo waxa laga jeedin doonaa khudbado ku saabsan arrimaha horumarka, waxaana shirka hagaya guddigii qaban qaabada shirka, iyadoo ay ka qayb geli doonaan aqoonyahanka, madaxdhaqameedka, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada.